|

Somaliland Ayaa Ciidamadii ugu badnaa isugu keentay duleedka magaaladda Laascaanood iyadoo ka baqaysa duulaan

Ciidamo tiro badan ayaa laga keenay dhul farabadan uyadoo maamulka la baxay Somaliland ay ka baqayaan dullaan kaga yimaada Puntland oo ay awal Laascaanood ka qabsatay.

Ciidamadan ayaa laga keenay dhulal badan oom ay ka mid yihiin dhulka Hawdka ee degaano horey laysugu hayey, qaar laga keenay magaaladda Burco iyo meelo kale oo badan.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka S/land oo aan telefoonka kala sheekaystay ayaa ii sheegay inay jirto cabsi adag maadaama maamulka Puntland ay soo kiraysteen ciidan calooshooda u shaqaystayaal ah sida uu warka u dhigay.

“Diyaaradda dagaalka ayaa ka mid ah waxa ay wataan iyaddana xusuus bay nagu reebtaa oo waa midaannaan arki karin”waxaana uu intaas raaciyey anigu shaqsi baan ahayoo ma doonaayo inaan halkan ku dhinto ee waan tashan.

Dhinaca maamulka Puntland ma muuqdaan wax saansaan colaadeed ah oo ka muuqda balse saadaasha ayaa sheegaysa in damacsanaan lama filaan ah ay maagan tahay maamulka Puntland

Fikrad Ka Dhiibo