|

BAAQ,(NSUM)- ujeedada dabta ah ee Soomaalidiidka SNM uu kalahaa qabsashada Laacaanod, ictiraaf doon kasokow, waxay ahayd in ay dadka kasaaraan magaalada oo barakiciyaan si dhulka ay mulkiyaan.

BAAQ,(NSUM)- ujeedada dabta ah ee Soomaalidiidka SNM uu kalahaa qabsashada Laacaanod, ictiraaf doon kasokow, waxay ahayd in ay dadka ka saaraan magaalada oo barakiciyaan si dhulka ay mulkiyaan.

Soomaalidiidku wuxuu hadal hays u leeyahay in aan dhulku guurin ee dadku guuro, tiibaana ay kaga dhabeeyeen, inkasta oo ictiraaf ayna helin hadana waxay ku guulaysteen in shacabkii magaalada ka barakiciyaan oo intoodii badnayd Kenya u qaxaan.

Haday Laascaanood mar ahaan jirtay, intii aan Soomaalidiidka SNM qabsan, magaalooyinka ugu
camiran Somalia, oo ay ku noolayd in ka badan 120,000 qof, oo caan ku ahayd dhismaha ka socda,
dhaqaaleheeda kobcaya,iyo waxbararashada, maanta waa magaalo haawanaysa oo in ka yar 20,000 ku
soo hadheen. Inta soo hadhayna waa wax iyana ka qaxa ama haraad iyo gaajo u dhimata. Inkasta oo
markii ay maagalada qabsadeen Soomaalidiidka SNM ay dadka ku khawaysiiyeen in ay qaban doonaan
wixii Puntland qaban wayday, oo ay ka mid tahay in biyo maacaan magalada soo gelin doonaan, hadana
sidi la filaayay waxay noqotay sheeko dadka iyo caalamka lagu seexinaayo

Biyo la’aanta ka taagan Laascaanood ilaa iyo November markii la waayay roobabkii dayrta meelkasta
waa lagaga sayaxay. Waxa lagu soo qoray website yada SSC. Hadana wax hadala iyo ficil ah oo ka
yimid maamulka Somaliland ee maagalada haysta laga ma hayo. Iloowshiinyo, iyo hagrasho midna
maaha ee waa ula kac.Hay’adaha gargaarka ee caalamku marka la waydiiyo sababta ay ugu birman
waayeen Laascanood iyo SSC, waxa qiil ay ka dhigtaan ama in ay tahay meel meel aan nabadi ka jirin.
Sidaa waxaa ka dhaadhiciyay Soomaalidiidka.

Runtu waxay tahay wax amaandara ah oo ka jirtaa Laascanood ma jirto sida uu soo xaqiijay weriyaha
laanta Afsoomaaliga ee BBCda Burco u fadhiya oo Laascanood tegay kowdii January. Waa weriya hore
ugu caan baxay in warka uu ka bixiyo SSC taabacsanyahay dicaayada Somaliland, laakiin markan
haatana wuxuu ka xishooday in uu been ka sheego xaqaa’iqa uu indhiisa ku arkay oo lala wada
arkaayo.Wariyahaas oo ka waraamaya biya la’aanta daran ee magaalada ka jirta wuxuu soo sheegay in
foostada biyaha la kala siisto 8 doolar oo biyaha booyad ahaan loo iibiyo, danyartiina ay halkaa ku biya
beeshay.

Sababta Somaliland ay gargaar degdega u gaadhsiisanwayday ama hay’adaha gaargaarka ee caalamaka
u wargelin wayday waa cadahay. Waa dadku ama ha dhinto ama inta uu noolyahay ha qaxo. Waa
siyaasad aan waxba ka duwanayn tii General Caydiid markuu Baydhabo qabsaday dadkeediina gaajada
ugu laayay.

NSUM waxay ka codsanaysaa xoghaya guud ee Quruumaha Midowbay iyo wakiiladiisa u qaybsan
gargaarka bani aadamnimo, in ay si degdega ugu soo birmadaan bulshada Laascaanod, Sool iyo SSC
gudahaanba iyaga oo aan cid kale u soo marin.Maamulka Somaliland waa maamul aan sharci ahayn,
marka qiil u noqon mayso hay’adaha caalamka in ay ka amar qaataan cid aan sharci ahayn oo SSC
sharci daro ku haysta

Tabtii shalay Laascaanood lagu qabsaday ayaa maanta lala damacsanyahay Buuhoodle. Hadii
Buuhoodle ay qabsadaan waxay sheegan karaan in SSC oo dhan ay haystaan, taana ay caalamka ictiraaf
kaga raadsadaan. Dhibtu intaa ku koobnaanayso. Barakaca meesha ka dhasha waxaa la socda dhul
durugsi iyo boob oo loo gacan gelinaayo beelaha ka soo jeeda Burco iyo maamulkooda. Daafaca
Buuhoodle, iyo aayaha ay u leedahay SSC iyo midnimada Somalia, waxay ka dhigantahay daaficii
Russia ay daafacaysay Stalingrad markii Nazi Germany ee dhul durugsiga iyo booka ahaa uu Russia soo
weerary inteedii badnaydna qabsaday.

Cid kasta iyo Isim kasta iyo askari kasta oo SSC ah, laba daraadle reer Buuhoodle ah, oo la jira
Somaliland si kastaba ha ahaatee, waxaa imaan doonta maalin lagala xisaabtamidoono marka dowlad
Soomaaliyeed arlada ku soo noqoto, oo denbi khaa’inimo lala tiigsan doono. Laba daraadle, waxaa
taariikhda meel xun ka gelaaya oo weliba xisaab xumi sugaysaa marka dowlad Somalia soo noqoto
kuwa hubkii dowlada Somalia ee lagu hayay Buuhoodle in lagu daafoco magaalada, SSC iyo
midnimada Somalia maanta u adeegaayo cadowga SSC iyo midnimada Somalia. Calooshii u shaqayste
waa danbiga ugu wayn oo wadani lagu eedeeyo, laba daraadle haduu ahaa askari dowladii Somalia oo u
dharsaana daafaca dalkiisa. Ina Baydan waa soo halgamay in uu ilaaliyo hubka Buuhoodle uu keenay.
Laakiin sidii hore loo yidhi, meel aar ka kacay atoor fadhfadhiisay.

NSUM,

Gudida Fulinta .

Fikrad Ka Dhiibo