Mahiga oo Muqdisho gaaray, kulana la qaatay madaxda sare ee dowladda fed
Wafdi uu hogaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa maanta gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ergayga ayaa kulan albaabada u xiran yihiin kula qaatay madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo ra`iisal wasaare Farmaajo.
Kadib kulanka ayaa waxaa si wada jir ah u qabtay shir jaraa`id Mr. Mahiga iyo ra`iisal wasaare Farmaajo, waxaana ay kaga warbixiyeen waxa uu salka ku hayay kulankoodaas.
Mahiga ayaa sheegay in ay ka wada hadleen madaxda dowladda arrimo ay ka mid yihiin xaalad bini`aadamnimo, amaanka, dib u dhiska dalka iyo horu-socodka dowladda.
Ra`iisal wasaare Farmaajo oo isna hadlay ayaa sheegay in sideeda bilood ee u harsan dowladda ay la imaaneyso waxqabad muuqda, kaasoo si weyn loo dareemi doono.
Labaduba waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin shirkooda ka dhacay maanta caasimadda Muqdisho.
www.buhodlepost.com