|

Kenya oo musaafurisay tobaneeyo dhalinyaro soomaali ah

Dowlada Kenya ayaa dalkeeda ka musaafurisay tobaneenayo dhalinyaro Soomaali ah ka dib mudooyin bilaha oo ay ku jireen xabsiyadeeda.

Dhalinyaradaas oo la qabtay xilli ay doonayeen in ay u sii tahriibaan South Africa ayaa bilooyin badan ku jiray xabsi ku yaal Mombasa.

Ciidamada amaanka ayaa dhalinayaradaas oo gaaraya illaa 30 ruux soo dhigay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan .

Mid ka mid ah dhalinayaradas ayaa ku waramay in intii xabsiga ay ku jireen si xun loo jir dilay .

Sidoo kale dhalinyaradaas midkood ayaa sheegay in intii ay xabsiga ku jiren la gaajeeyay oo cunto la’aan la dhigay iyadoo qaarkood xanuuno ay soo qaadeen .

Xabsiyada Kenya ayaa waxaa ku jira Soomaali badan kuwaas oo aan illaa haatan helin wax maxkamad ah .

Fikrad Ka Dhiibo