Nin Sheegtay Afhayeenka Kooxda Atam Oo Soomaaliland Garab Weydiistey
Nin sheegtay in uu yahay Afhayeenka kooxda uu hoggaaminayey Maxamed Siciid Atam ayaa maamulka Soomaaliland ka codsadey in ay garab ka siiyaan sidii maamulka Puntland aanu macdan uga qodan laheyn deegaanada bari ee gobolka Sanaag.
Faarax Ismaaciil Sardheeye ayaa sheegay in uu yahay Afhayeenka kooxda dagaalka kula jirta Puntland ee uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Atam, wuxuuna intaa ku daray in ay yihiin dad daafacanayay dhulkooda sida uu hadalka u dhigay.
Sardheeye ayaa beeniyey isla markaana waxba kama jiraan ku sheegay in kooxda Atam ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, wuxuuna tilmaamey in arintaasi ay tahay been abuur ka yimid dhinaca maamulka Puntland.
Afhayeenka ayaa waxaa uu maamulka Soomaaliland ka codsadey in garab laga siiyo sidii loo difaaci lahaa dhulka Sanaag bari oo uu sheegay in maamulka Puntland uu daneynayo in uu kheyraadka macdanta iyo shidaalka kala baxo sida uu hadalka u dhigay Sardheeye.
“Anagu ma nihin Shabaab ee waxaan ahayn dad daafacanayey dhulkooda, kuna dagaalamayey qadiyad, waxaa haatan soo socda dad calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah oo wata shirkad macdanta qodaneysa, marka arintaasi anagu haatan tabar uma hayno, laakin dhulka Soomaaliland buu ka tirsan yahay ee ha daafacdo” ayuu yiri Faarax Ismaaciil Sardheeye oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka kooxda Atam.
Hadalka Afhayeenka ee uu garabka kaga dalbanayo maamulka Soomaaliland in ay dhulka lagu dagaalay ee bariga Sanaag ay gacanta ku dhigto waxaa uu ku soo beegmayaa xilli maamulka Puntland uu Soomaaliland ku eedeeyay in ay garabsiiso Shabaab, isla markaana uu jiro xiriir hoose oo Shabaab iyo Soomaaliland ka dhaxeeya.
arintasoo maamulka somaliland uga jawabay si kulul labada maamul ee somaliland iyo puntland aya indhawalba saxafad isu marinayye hadlo kulkulul iyo eedaymo midba midka kale dhalda uga tuurayo
www.buhodlepost.com
emailbuhodlenews@hotmial.com