|

Somaliya oo wadada laga qafaashay

Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Braszil islamarkaana lagu magacaabo SOMALIA ayaa waxaa qafaashay koox hubeysan xilli uu kusii jeeday garoon uu ku tababarto oo lagu magacaabo Engenhao stadium kaasoo ku yaal waqooyiga magaalada Rio de Janeiro.

Booliska ayaa sheegay in saacado ka dib lasoo sii daayay laacibkan, waxa ayna intaa raaciyeen in ay wadaan baaritaan ku aadan arrintan.

Saxaafadda gudaha Brazil ayaa qoray in ciyaaryahanka laga furtay lacag iyo saacad nooca qaaliga ah taasoo uu xirnaa.

Rio de Janeiro, caasimadda Brasil ayaa lagu qaban doonaa 2016-ka ciyaaraha Olympics-ka.

Fikrad Ka Dhiibo