|

xiisado colaadeed oo ka tagan dagmada caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa ku soo waramaya in dagaal beeleed uu ka qarxay tuulada Ari-cadeys ee duleedka degmada Cabudwaaq.

Dagaalka ka jira deegaanka Ari-cadeys ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhaxeeya laba beelood oo halkaasi wada dega, waxana wararku intaa ku darayaan in dagaalka labada dhinac dhexmaray uu ka bilowday kala aargoosi dhinaca aanooyinka qabiilka ah.

Waxgarad ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaal labada dhinac ay isaga hor yimaadeen ay ku naf waayeen ilaa iyo afar ruux oo ka soo kala jeeda beelaha dirirtu ku dhexmartey deegaanka Ari-cadeys ee hoostaga degmada Cabudwaaq.

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo muuqda oo ay wadaan Waxgaradka degmada Cabudwaaq, waxayna rajeynayaan in labadaasi beelood xiisada kasoo dhex cusboonaatey in ay dhameeyaan. dagalkan aya kusoo beegmaya xili dhulkasi ay ka tagantahay abaaro iyo biyo la aan ba an
www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo