Axmed Siilaanyo oo maxaabiistii reer SSC Cafis u fidiyey
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa cafis u fidiyey dhalinyaradii reer Buuhoodle 20 kii July lagu qabqabtay magaalada widh-widh oo xiligaas oo uu dagaal ku dhex marayey maamulka Siilaanyo iyo kooxdii SSC,si kastaba ha ahaato ee waxaa la filayaa in dhawaan ay dadkaasi soo gaadhaan deegaankoodi iyo dalkoodii,xafiiska war qabadka Buhodlepost ayaa heshay nuqul ama war uu ku saxeexanyahay Axmed Siillaanyo oo ugu magac daray cafis madaxweyne.
Axmed Siilaanyo oo u suxul duubaya sidii uu gacanta ugu dhigilahaa magaalada Buuhoodle ayaa wuxuu wadaa dadaal u ku doonayo inuu odayaasha reer Buuhoodle uu ka dhaadhiciyo mabaadii’da maamulkiisa iyo been abuurka beesha aduunka lagu marin habaabinayo.
by C/raxmaan AXmed Aden