|

Sudan oo la kala goynayo maalinta Axada

Koonfurta Sudan ayaa lagu wadaa in laga jaro dalka Sudan intiisa kale maalinta Axada ah ee fooda ignagu soo haysa.

Codbixin ayaa lagu wadaa in loo qaado shacabka koonfurta taasoo ay ku kala cadeynayaan in ay gooni u istaagaan iyo in kale.

Madaxweynaha Sudan oo dhawaan booqday caasimadda koonfurta Sudan ee Juba ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo islamarkaana la dabaaldagayo hadii ay u codeeyaan in ay ka go`aan dalka intiisa kale.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis 2005-tii la sixiixay kaasoo dhigayay in 9-Janaayo 2011-ka cod loo qaado shacabka koonfurta Sudan taasoo ay ugu codeynayaan in ay qaataan madaxbanaani.

Sidoo kale heshiiskan la sixiixay 2005-tii ayaa waxaa uu soo afjaray colaad socotay mudo ku dhow 40-sano taasoo u dhaxeysay koonfurta iyo waqooyiga.

Aduunka intiisa kale ayaa mar hore natiijo gooni isu taag ka muujiyay codbixinta lagu wado in ay dhacdo maalinta Axada ah.

Sudan ayaa ah dalka ugu dhulka weyn qaaradda Afrika.

www.buhodlepost.com

malaysia

Fikrad Ka Dhiibo