Golaha culimada Somaliyed oo baaq ku aadan abaaraha u diray kooxda Al-Shabaab
Golaha culimada Somaliyeed ayaa ugu baaqay kooxda al-shabaab in muddo lix bil ah dagaalka joojiyaan si dadka abaarta saameysay gar-gaar loo gaarsiiyo.
Madaxa golahaasi Sheekh Bashir Axmed Salaad ayaa ku booriyay al-shabaab in ay codsigaas tix giliyaan si ay ugu fududaato hey`adaha gar-gaarka in gar-gaar gaarsiiyaan dadka ku dhaqan gobolada dhexe iyo kuwo koonfureed.
Baaqaan ayaa soo baxaya xilli dhibaatoyinka ka dhashay abaaraha ay cirka isku sii shareerayaan .
Dowlada Somaliya ayaa dhankeeda waqti sii horeeyay beesha caalamka ugu baaqay in dadkaasi gar-gaar la gaarsiiyo, waxayna ku eedeysay kooxda Shabaab in ay hor taagan yihiin in gar-gaar la gaarsiiyo dadka abaarta u dhamaanaya.
www.buhodlepost.com
emailbuhodlenews@hotmail.com