|

Siilaanyo Oo Amray In Somaliland La Wareegto Deegaanka Kalshaale

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta soo saaray Wareegto uu go’aan kaga gaadhay arrintii Kalshaale..

ee colaada labad belood halkaas ku dhexmartay.

Wareegtada Siilaanyo ayaa u qornayd sidan:

Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo Somaliland ah u dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii janno ayaan uga baryayaa, Ehlladoodii iyo dhamaan Qaranka Somaliland waan uga tacsiyadaynayaa.

Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL si ay u kala caabiyaan Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.

Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa ee ka garsooray arrintan.

Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabadgelyadu Qarankan u leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.

Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee isaaran waxaan go’aamiyay: -

1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqikaraan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.

2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.

3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaandoonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya oo ka hawlgelikara ciidamada Qaranka JSL.

4. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed usoo jeedinayaa beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.

Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: -

a) Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen.

b) Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood.

c) Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay

tan iyo markii uu soo baxay hadalkan ka soo yeeray hoogaamiyaha jamhada snm aya waxa laga daremaya gobolka cayn iyo nawaaxigiisa sansan colaadeed waxana heegankii ugu danbeeyey la galiyey ciidamada difaaca gobolka ee ku sugan jiidaha hore ee hagoogane iyoo maygaagle ciidamadasoo ku gaashan hubka culculus iyo madafiicada laga hago meelaha fogfog waxana laga yaba in sacadaha soosocda dagal faraha laysula tago kabilaami karo deeganka kalshaale iyo nawaaxigiisa cidamada xaq u dirirka gobolka cayn yaa balan qaday in ay cashar lama ilaawan ah u dhigi doonan jamhada snm iyo tageerayashoda
www.buhodlepost.com
emailbuhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo