|

Somali lagu Jir-dilay Kuwait (Habeen iyo Maalin Xabsiga ayaa la igu cadaabaa:Guuleed Maxamed oo Qeylo-dhaan u diray Dawlada Mareykanka)

Dawladda Mareykanka ayaa beenisay inay ku lug leeyihiin jir dilka dalka Kuwait loogu geystay muwaadin Somalied oo heysta dhalashada Mareykanka kaaasi oo lagu eedeyay inuu xiriiro la sameeyay saraakiil Al-Qacida ka tirsan oo ku sugan wadamada Somalia iyo Yemen
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda dalka Mareykanka Philip Crowley oo wariyaal kula hadlay magaalada Washington ayaa sheegay inay hayaan xog muujineysa saraakisha amaanka dalka Kuwait inay si weyn u jir dileen Guuleed Max’ed oo Somali-American ah kaasi oo ay saaraakisha amniga Kuwait ay ku eedeeyeen inuu la kulmay saraakiil Al-Qacida ka tirsan oo ku sugan wadamada Somalia iyo Yemen kadib safaro uu wadamadaasi ku tagay muddo dhawr sano haatan laga joogo hase ahaatee Mareykanku waxba kala socon.
Philip Crowley waxaa uu meesha saaray oo uu beeniyay in xukuumada Mareykanku waz ka ogeyd xariga iyo jir dilka muwaadinkaan loo geystay waxaana uu tilmamay inay arrintaan ka war heleen dhawaan hase ahaatee aysan horey wax ugala socon waxaana uu intaa ku daray inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in dawlada Mareykanku ay ku lug laheyd xariga Guuled Max’ed Kuwait loogu geystay.
Afhayeenku waxaa uu sheegay inay baaritaano ku sameynayaan arrinta ku saabsan dhacdada Kuwait ka dhacday waxaana uu sheegay inay ka xun yihiin.
Qareenka Muwaadinkaan Somalied oo la yiraahdo Qadar Cabaas ayaa u sheegay wargeyska The Washington Post inay dawlada Mareykanku wax ogeyd dhibaatada Guuleed wadanka Kuwait loogu geystay waxana uu tilmaamay in bisahii hore Guuleed laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Kuwait City xilli uu doonayay inuu u safro dalka Mareykanka waxaana la sheegay in si xun loo jir dilay.
Qareenku waxaa uu sheegay in Guuleed wax laga weydiiyay intii uu gacanta c iidamada Kuwait ku jiray inuu wax ka yaqaano hogaamiyaha Al-Qacida ee dalka Yemen ninka lagu magacaabo Anwar Al-Awlaki oo Mareykanku si weyn u doon doonayo iyo hogaamiyaha ururka Al-Qacida Osama bin Laden
xafiiska warqabadka malaysia

Fikrad Ka Dhiibo