Mukhtaar Roobow oo dagaal ku baaqay xilli abaaro loo dhamaanayo
Ninka labaad ee ugu sareeya al-shabaab ayaa ugu baaqay dagaalyanahada kooxdaasi in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan dowlada Somaliya xilli abaaro loogu dhamaanayo koonfurta Soomaaliya .
Muqtaar Rooboow oo khudbad ka jeedinayay Baydhabo ayaa ku booriyay dagaalyahanada al-shabaab in ay sii xoojiyaan midnimadooda si guulo looga soo hoyiyo dagaalada ay ku jiraan.
Baaqan Abuu Mansuur ayaa soo baxaya maalin ka dib markii madaxa golaha culimada Soomaaliya Sheekh Bashiir Salaaduu ugu baaqay al-shabaab in dagaalka joojiyaan muddo lix bil si dadka abaarta ku dhufutay gar gaar loo gaarsiiyo.
Jawaabta al-shabaab ee baaqa daladda culimada ayaa noqotay sii xoojinta dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ay wadaan .
Goobaha abaarta ka jirta ayaa waxaa ka mid ah gobolo al-shabaab maamusho, waana adag tahay in gar gaar la gaarsiiyo hadaan iyaga ogalasho laga helin.
www.buhodlepost.com