war-murtiyeed ka soo baxay Northern Somali Unionist Movement (NSUM)
Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo), taliyaha maamulka labaxay Somaliland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 9 January soo saaray go’aamo ku aadan shaqaaqadii ka dhacday deeganka Kalshaale ee u dheaxaysay beelaha Buuhoodle iyo beel ka soo jeeda bargig Burco. Siilalanyo wuxuu saaray 4 qodob oo yidhi wuxuu ku xalilayaa dhibaatada Kalshaale oo sidan kala ah:
1. “In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqi karaan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.
2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.
3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaan doonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa kaliya oo ka hawlgeli kara ciidamada Qaranka JSL.
4. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed u soo jeedinayaa beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari. Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: – a) Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,
b) Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood, c) Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay.”
Inkasta oo ay ahayd in taliye Siilaanyo uu beri horaba aaso baraagihii beeshiisu ka qodatay Kalshaale sida xaqdarada iyo gardarada leh dhul muran ma doonta ah oo SSC lahayd qarniyaal, oo haduu saa yeelilahaa aan mashaqo dhacdeen, cidna dhimateen, dadkuna isa seegeen, hadana hadiiba maanta uu saa yeelay goor aan goorna ahayn amaan buu ku leeyahay haba yaraatee.
Laakiin waxaan marnaba 3 arimood laga yeelayn hogaamiyaha Soomaalidka la baxay Somaliland:
1. Kow, in ciidamadiisa ku soo duulay gobolada SSC ay Kalshaalle fadhiisin ka samaystaan iyo meel kale oo ka mid ah SSC.
2. In ciidama SSC ee difaacaya dhulkooda ay ka baxaan meelo ka mid ah SSC, Kalshaale iyo meel kaloo kasta ha noqotee.
3. In isimada SSC ay shir la yeeshaan Hogaamiyaha Somalidiidka haduusan marka hore shuruud la’aan ogolayn midnimada Somalia iyo SSC in ay ka mid tahay Somalia, oo markaa waxa laga wada hadlayaa tahay nabada iyo deriswanaag kuwada noolaashaha.
Sidii horaba NSUM u sheegtay, haatanna ku cad hadalka Siilaanyo, Somaliland ayaa ka danbaysay mashaqada ka dhacday Kalshaale oo doonaysay in ciidamadeedu Kalshaale degaan iyaga oo marmarsiinyo ka dhiganaaya in laba beelood ay kala horjoogsanayaan laakiin ujeedada dhabtihi ay tahay in ay dhul kale qabsaadan, Buuhoodlana ku soo dhowaadaan.
Inkastaba Somaliland iyo Hogaamiyaheedo ha iska dhegatireene xaqiiqada, hadana ha loogu celiyo in gobolada SSC ay ka mid tahay Somalia, oo caalamka oo dhani u aqoonsanyahay in ay ka midyihiin Somalia, oo wax Somaliland la yidhaahdaa oo ka baxsan Somalia uusan jirin, iskadaa gobolo kale oo ay sheegataane. Marka miyayna ahayn iska hadlow ina Igare hadii Siilaanyo uu ku hadlo in SSC ay tahay gobolo ka mid ah Somaliland amarna ku siiyo ciidamada difaaca SSC in ay ka baxaan Kalshaale, Maygagle iyo meelaha kale ee difaaca ay kaga jiraan.
Ciidan soo duulay baa la yidhaahaa ha boxo, ee ciidan beeleedka SSC dhulkiisii buu joogaa, ee hadii ciidan beeleed baxaayo waa ciidanka Isaaka ee soo duulay. SSC iyo ciidamadeedu ma ogolaanayaan in meel ka mid ah dhulkeeda, ama ha noqoto Kalshaale, ama Widhwidh ama Laascaanood, in malayshiyada soo duushay ee Isaak ay xoog ku joogaan. Hadii nabad ku bixiwaayaan xoog bay ku bixi doonaan. Maantaa talo taalaa ee labadaa ha kala doorto Silaany.
Waxan aanu xusuusinayana in uu Silaanyo uu mas´uul ka noqon doona wixii meeshaa ka dhaca iyo dhaxal xumida ay reebtoba.
Amaanta Siilaanyo amaanaayo ciidamadiisa iyo gudidii garsoorka ka ahayd muranka Kalshaale, waxay markale cadaynaysaa in maamulkiiso arinta Kalshaale ka danbeeyay. Gudidaasi hadii xagiisa amaan ay ku lahayd, SSC waxay u tahay gudi markeedii horaba fulinaysay amar laga soo faray Hargeisa.
Laakiin denbiga waxaa iska leh isimada Buuhoodle oo dhul SSC qarniyaal leedahay muran geliyay ogaaladayna in laga garnaqo. Gogosha uu Siilaanyo fidiyay waa mid la doonaayo in lagu khiyaaneeyo isimada Buuhoodle sidii dhowr jeer oo hore loo khiyaaneeyay. Markan haatanase reer Buuhoodle oo dhan baa soo jeeda oo mar dambe gogol sidaas ah ma dhacayso in ay Isimadu ka qaybagalaan.
Hogaamiye Siilaanyo, hore ayaad adoo Hogaamiye u ah SNM aad sababtay burburkii qarankii Somaliyeed. Maanta oo aad Somaliland Hogaamiye ka tahayna waxaa la arkaa in burburka woqooyiga Somalia aad keento hadii aadan daris ka baran taariikhda Somaliyeed in aan qabiilna qabiil kale xoog ku maquunsan karin ee walaalnimo iyo deris wanaag lagu wada nooladu uusan wax dhaama jirin.
Gudida Fulinta – NSUM
www.buhodlepost.com