|

Qarax lala beegtay ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan

Qarax ayaa lala beegsaday gawaari kolonyo ah oo ay leeyihiin ciidmada Burundi ee jooga Muqdisho kuwaasi oo marayay xaafada Haanta Dheer ee wadada Warshadaha.

Lama helin qaraxaas waxa loo adeegsaday in uu yahay miino ama gantaal la soo gamay .

Goob joogayaal ayaa ku soo waramay in la arkayay mid ka mid ah gawaariada ciidamada Burundi oo waxyeelo xoogan soo gaartay .

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ee gaaray askarta Burundi .

Kooxda al-shabaab ee la dagaalanta dowlada Somaliya iyo Amisom ayaan wax war ah ka soo bixin oo ku aadan sheegashada qaraxaas.

Waxaa lagu wadaa in qeybta warfaafinta ee Amisom ka hadlaan qaraxaas oo aad u xooganaa.
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo