|

ra, iisul wasaare (farmaajo) iyo wafti uu hogaaminayo oomanta ladhoofay muqdisho

Raysalwasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho
Wefdi u hogaaminaayo Raysalwasaaraha ayaa barqadnimadii ka duulay garoonka Aadan Cadde,waxaana ay ku wajahanyihin dalka Maraykanka.
Xubnaha wefdiga waxaa kamid ah Wasiirka arimaha dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar,Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar,La taliyaha dhanka Warbaahinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ‘Yariisow’ iyo masuuliyin kale.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha Marwo Sahro Maxamed Cali ayaa inta aysan ka dhoofin magaalada Muqdisho u sheegtay warbaahinta muqdisho in ay tagayaan magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo bartamaha bishaan ka furmaaya shir looga hadlaayo arimaha Soomaaliya.
Waxaa ay intaas ku dartay in inta ay ku suganyihin dalka Maraykanka ay la kulmi doonaan madax kala duwan.
Tani waxay noqonaysa safarkii labaad uu Raysalwasaaraha ku tego dalka dibadiisa tan iyo markii loo magacaabay xilkaas,iyadoo safarkiisa u horeeyey bishii lasoo dhaafay uu ku tegay wadamada Jabuuti iyo Itoobiya

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo