|

Dowladda Somaliya oo sheegtay in Shabaab qarka u saaran yihiin bur-bur

Dowlada Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in al-shabaab qarka u saaran yihiin in ay bur buraa taasina aysan fogeyn .

Wasiirka warfaafinta Somaliya C/kariim Jaamac ayaa tibaaxay in ay heleen xog ah in khilaaf u dhaxeeya hogaanka al-shabaab uu haatan gaaray meel xun .

Waxa uu intaa raaciyay in taasi ay soo dadajineyso in al-shabaab dhexdhadooda qoriga isku soo jeediyaan .

Wasiirkan ayaa tilaamay in taasi hadii ay dhacdo ay wadada u xaareyso in dowlada guud ahaan la wareegto dalka, cagtana mariyaan al-shabaab.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka al-shabaab oo ku aadan warkaani ka soo yeeray dowlada Somaliya.

www.buhodlepost.com

email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo