maqal; eng mahamud caydiid dirir Garab Gorayeyn mise Garniqid:
Ergadii Madashii Kalshaale ka garnaqday:
Sida lawada xusuusan yahay muda yar markii ay ka soo wareegtay dagaalkii ka dhacay baliga Kalshaale waxaa soo gaadhay burco iyo qori lugud ergooyin fara badan oo ka soo kicitimay galbeed, Hargeysa iyo Burco, iskama ay imaan ergooyinkaasi ee waxaa soo abaabulay maamulayaasha jabhada SNM.
Su’aashu waxay tahay sidee Dhulbahante u aqbalay dhexdhexaadnimada ergadaa? Dadka Soomaaliyeed dhexdooda waxaa la qaderiyaa odayaasha, madax dhaqameedka iyo waxgaraka qabaailka haddii ay soo bandhigaan in ay ukala ergeeyaan qabaa’il dhibaato dhextaal waa la soo dhowayn jiray gartana waa loo dhiiban jiray, ergada xeerbeegti loo aqbalaa waxay ilaalinjirtay sharaftooda iyo sharafta qabaa’ilkooda ay metelayaan, marka ay xaqiiqda iyo xogta waxa laysku hayo dhuuxaana waxay garta u niqi jireen si rabi iyo rag taqaan, dhaqan Soomaaliga iyo Diinta islaamkaba garta eexo waa fadeexad aad u wayn oo ceeb iyo mahadho leh, wax kale iska daaye ninka odayga ah ee soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan in uu hadalkiisa ilaashado ( nin qawl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday ) geedka qoloftu kuma noqon karto haddii ay ka dhacdo, wax garadka soomaaliga ahi wuxuu ka xishoodaa in hadalkiisa wax ka soo noqdaan. Arin dhaqan Soomaaliga milgo iyo haybad ku leh bay ahayd in ninka odayga ah ee reer u wayn ama madax u ah uu hadalkiisu haybad leeyahay meel aan munaasib u ahayna aanu ka odhan qawl aan munaasib ahayna aanu odhan, marka xaajo rag ama reero dhexmarayso waxaa la odhan jiray marka lays waraysanayo yaa halkaa joogay, ama yaa geedka inoo tegaya, ninka geedka loo soo diraa in uu reer u xaajo qaado, waa nin lagu yaqaan gar qaadasho iyo garawshiinyo labadaba, Hadalka uu geedka ka soo qaado wuxuu ahaan jiray go’aan maxkamadeed oo waafi ah ninka dhegaysanaya ee reerkiisa ahina hadal kama daba odhan jirin kamaqanina waa ku go’aan qaadan jiray, kalsooni nin isku qaba buu ahaan jiray odayga Soomaaliyeed, haddii xaajo xumaato waxaa la odhan jiray war meesha miyaan wax garad joogin. Sharagfta oday reer u taliyaa uu leeyahay markuu dhaqamadaa aynu soo sheegnay iyo dhawr kale oo deeqsinimada, geesinimada, xishoodka iyo xaqdhawrku ka mid yahay lagu daro waxay keeni jirtay in uu noqdo nin ka tilmaaman beeshiisa beelaha kale dhexdoodana qaderin ku leh, ingabadhiisu fadli dheeraad ah leedahay waayo nin magac iyo maamuus ku leh dadkiisa beelaha kale ee ay ood wadaag leeyihiina qaderiyaan baa dhalay, guurkeedu wuxuu ahaan jiray mid aanu nin kastaa hawaysan, wiilkiisuna gabadha uu soo doonaa farxad bay iyada iyo waalidkeedba la dilaaci jireen. Beelaha aan dhalasho ka dhexayn hase yeeshee ood wadaag ah ayaa beel waliba ku dedaali jirtay in ay beesha kale ninka u mudan gabdhiis ka guursato.
Xiliga colaaduhu jiraan odayga beel u wayn ama utaliya socotadu inta aanay beeshiisa soo gaadhin bay dadka u sii sheegi jireen in ay magan u yihiin hebel, ogaysiiskaa ay socotadu dadka dhexdiisa ku faafisay waxay noqon jirtay fiise ay dadka dhexdiisa ku maraan xitaa haddii colaadi ka dhaxayso waayo odaygu wixii uu masuulka yahay cidi kuma xadgudbi jirin,sharafta odayga iyo beeshiisa ayuu meel kaga dhacay ninkii ku xadgudbaana, waxayna ahaan jirtay ninka odayga h ee Soomaaliyeed qawlkiisa in xitaa beeshiisu nafta u hurto oo aan la jebin isaguna qawlkiisa iyo sharafta beesha ilaaliyo beelaha kalena tixgeliyaan, sida maanta safaaradaha dawladuhu leeyihiin aan dawlad kale ugu xadgudbikarin.
Hadal iyo dhamaan ninka maanta bedelay dhaqan Soomaaligii milgadaa iyo sharaftaa lahaa, ee magiciisii iyo kii beeshiisaba iibsaday soo inuu cimaamada iska dhigo maaha oo dhuunto dadka hortoodana aanu dib u iman, soo gabadhiisii ma guurbeelin, soo magacaa ba’maaha, miyuu cid magan gelinkaraa miyaase la magankelikaraa?.
Maxay shareecada Islaamku ka qabtaa haddii dhibaato dhexmarto dad Muslimiin ah?
Waxay ka qabtaa in si walaaltinimo ah lagu dhexdhexaadiyo kooxdii xaqsoorka u hogaansami waydana lala wada dagaalamo ilaa ay hogaansanto, wanaaga in laysku kaalmeeyo xumahana layska reebo ayey shareecada islaamku in faraysaa. Waxaa kale oo shuruudaha ka mid ah in shaceerada fulinteeda ay fulinkarto dawlad u idman oo awoodeeda leh.
Kabeen sheega shareecadu waa jariimo aad u wayn, culumadii Yuhuuda ayaa lagu yiqiin in ay diinta sida ay doonayaan oo keliya u fasiraan, xaaraanta xalaaaleeyaan, xalaasha xaaraameeyaan, macneheedana bedelaan. Culumada xil baa saaran ah in ay diinta sida ay tahay dadka ugu sheegaan wixii bayaamin teeda looga baahda aanay ka been sheegin, wadaad xumaha soomaalidaa hore uga maahmaahday (Fiqi Tolkii Kama Jana Tago). Bulshada qofkasta xil baa saaran mid kastana masuuliyadiisu inta ay le’egtahay baa ilaahay kula xisaabtamayaa, odayga beesha,caaqilka Isimka, Caalimka, Aqoonyahank, u fiirsada xadiiskii dheeraa ee ka waramayey masuuliyada(dhamaan masuuliin baad tihiin mid kastana waxaa xilka saaran yahay inta uu masuulka ka yahay——-). Xikaa culimada gaar buu u saaran yahay.
Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah in aan weligeed culimada waqooyi galbeed laga maqal in maamulku sheegoodu uu joojiyo dulmiga iyo duulaanka joogtada ahee uu ku hayo Dhulbahante. Waxaa ba jirtay muda aan fogayn in midka mid ah culida Hargeysa in uu maalin Jimce ah ku khudbad ku bixiyey (500 oo hablood ka guursada askarta isaaqeey Dhulbahante) sidaas baad dhulka kaga hantiyi kartaane.
Qabiil intuu qabiilkale u yimaado ma odhankaro shareecaanu idinku qaadaynaa, shareecada dawlad u idman baa fulisa, waxaa muuqata in ergadani ay isbeenfariin badan oo xagga diinta ah samaysay, culumada ay sheegteen in ay wateena aanay ka duwanayn kuwii lahaa sifooyinkii quraaknu sheegay ee culumadii Yuhuuda.
Culumada hargeysa ka timi haddii ay run sheegayaan dunuubta hargeysa taal ee uu gaystay ninka Jarmalka ahi ee Ooryaha laqabo iyo hablaha Cadradaha ahba aafeeyey ayaa u baahnaa in ay Siilaanyo u sheegaan in shareecada lagu qaado oo dunuubta uu gaystay mudankeeda la mariyo.
Waxaase yaableh Isaaq oo lagu yaqaanay in ay gaalada soo dhowaystaan diinta Islaamkana ihaaneeyaan in ay kuwii awoowayaashood gaalnimada kalilaaliyeen, xiligii ay gaaladu kaniisadaha berbera ka dhisatay, caruutoodiina ku xareeyeen, sacakana u tumayey gaalada, daraawiish bay ahaayeen kuwwii kaniisadahaa burburiyey, markii berbera mu’adinkii masaajidka gaalka ingiiska ahi toogtay ee uu yidhi muxuu aadaankiisu hurdada iiga kiciyaa, Isaaq kama digiigixan. Sheekh bashiir markii ingiriis deldelayey way isu soo bexeen si ay u daawadaan.
Hadaba dhashii daraawiisheed baanu shareecada baraynaa ku dhaqankeeda waa kaaf iyo kala dheeri. Isimada ay la garnaqsanayaan ee ay doonayaan in ay shareecada jeebkooda ah uga sheekeeyaan miyaanay ogayn in ay ka mid yihiin xufaad Quraanka Kariimka ah Axkaamta iyo Sheecada Islaamkana aqoon waafi ah u leh.
Guud ahaan in dulmiga layska ilaaliyo caddaaladdana lagu dhaqmo waxay dani ugu jirtaa noolaha dhulka korkiisa ku nool dad iyo duunyaba, dulmiga cadho ILLAAHAY baa ka dhalata, caddaaladduna naxariistiisa bay kordhisaa.
U fiirsada waxa Aayaadka Rabi ee waadixinaya macaamiisha dadka Islaamka ah dhexdooda ah, kuwa garta loo dhiibto ama isku daya in ay iyagu naqaan, kabeensheega diinta, xad gudubka iyo isu gaashaan buuraysiga cudwaanka, cadhada ALLE iyo ciqaabka ka dhasha jariimooyinkaa cidii ku kacda, hurinta fidnooyinka keenikara in dil iyo xad gudub dhoco cidii hurisaa waxa ay ILLAHAY hortii lakulmayso, oo ay ka mid yihiin dhulkoo nabad loo degan yahay cidii colaad ka abaabushaa in ay dusheeda tahay wixii fidno ah ee dhacaa, xaaraam in uu yahay dhiiga qofka muslimka ahi, sifooyinka muuminiinta ILLAAHAY ku amaanay waxaa ka mid ah wanaaga oo la isfaro, xumaanta oo la iska reebo.
(٧) يَـٰٓأَيُّہَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُواْ قَوَّٲمِينَ لِلَّهِ شُہَدَآءَ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَلَا يَجۡرِمَنَّڪُمۡ شَنَـَٔانُ قَوۡمٍ عَلَىٰٓ أَلَّا تَعۡدِلُواْۚ ٱعۡدِلُواْ هُوَ أَقۡرَبُ لِلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ ( suratul Al-maeda)
وَإِن طَآٮِٕفَتَانِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱقۡتَتَلُواْ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَہُمَاۖ فَإِنۢ
بَغَتۡ إِحۡدَٮٰهُمَا عَلَى ٱلۡأُخۡرَىٰ فَقَـٰتِلُواْ ٱلَّتِى تَبۡغِى حَتَّىٰ تَفِىٓءَ إِلَىٰٓ أَمۡرِ ٱللَّهِۚ فَإِن فَآءَتۡ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَہُمَا بِٱلۡعَدۡلِ وَأَقۡسِطُوٓاْۖ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِ٩)
إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ إِخۡوَةٌ۬ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَ أَخَوَيۡكُمۡۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ (١٠) Suuratul-xujuraat) ٩٢) وَمَن يَقۡتُلۡ مُؤۡمِنً۬ا مُّتَعَمِّدً۬ا فَجَزَآؤُهُ ۥ
جَهَنَّمُ خَـٰلِدً۬ا فِيہَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَلَعَنَهُ ۥ وَأَعَدَّ لَهُ ۥ عَذَابًا عَظِيمً۬ا (٩٣
(Suuratul AL Nisaa).
Xadiiska saxeexaynka ku qoran waxaa macnihuusu ahaa maalinta qiyaame waxa ugu horeya ee lookala xugminayaa dadka waa dhiiga. Hadaba arimaha ALLE xuduudahaa ukala sameeyey ninka doonaya in uu isagu leexiyo wuxuu heli cuquubada ka dhalay camalkiisa.
لَّا خَيۡرَ فِى ڪَثِيرٍ۬ مِّن نَّجۡوَٮٰهُمۡ إِلَّا مَنۡ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوۡ مَعۡرُوفٍ أَوۡ إِصۡلَـٰحِۭ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٲلِكَ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمً۬ا (١١٤) Al-Nisaa.
كُنتُمۡ خَيۡرَ أُمَّةٍ أُخۡرِجَتۡ لِلنَّاسِ تَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَتَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنڪَرِ وَتُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِۗ وَلَوۡ ءَامَنَ أَهۡلُ ٱلۡڪِتَـٰبِ لَكَانَ خَيۡرً۬ا لَّهُمۚ مِّنۡهُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَأَڪۡثَرُهُمُ ٱلۡفَـٰسِقُونَ (١١٠) Suuratul Aala-Cimraan.
وَلۡتَكُن مِّنكُمۡ أُمَّةٌ۬ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلۡخَيۡرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِۚ وَأُوْلَـٰٓٮِٕكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ (١٠٤). Suuratul Aala-Cimraan.
إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تُؤَدُّواْ ٱلۡأَمَـٰنَـٰتِ إِلَىٰٓ أَهۡلِهَا وَإِذَا حَكَمۡتُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ أَن تَحۡكُمُواْ بِٱلۡعَدۡلِۚ إِنَّ ٱللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِۦۤۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ سَمِيعَۢا بَصِيرً۬ا (٥٨) يَـٰٓأَيُّہَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَأُوْلِى ٱلۡأَمۡرِ مِنكُمۡۖ فَإِن تَنَـٰزَعۡتُمۡ فِى شَىۡءٍ۬ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأَخِرِۚ ذَٲلِكَ خَيۡرٌ۬ وَأَحۡسَنُ تَأۡوِيلاً (٥٩).
Suuratul-Al Nisaa.
يَـٰٓأَيُّہَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُحِلُّواْ شَعَـٰٓٮِٕرَ ٱللَّهِ وَلَا ٱلشَّہۡرَ ٱلۡحَرَامَ وَلَا ٱلۡهَدۡىَ وَلَا ٱلۡقَلَـٰٓٮِٕدَ وَلَآ ءَآمِّينَ ٱلۡبَيۡتَ ٱلۡحَرَامَ يَبۡتَغُونَ فَضۡلاً۬ مِّن رَّبِّہِمۡ وَرِضۡوَٲنً۬اۚ وَإِذَا حَلَلۡتُمۡ فَٱصۡطَادُواْۚ وَلَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شَنَـَٔانُ قَوۡمٍ أَن صَدُّوڪُمۡ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ أَن تَعۡتَدُواْۘ وَتَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَلَا تَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٲنِۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ (٢)
Suuratul AL-Maeda.
Waxaan iyana meesha ka maqnayn qaar kamid ah ergooyinka iyo beelohooduba in ay aad ugu dedaaleen in ay arinta cirka ku laalaan oo ay ka shaqeeyaan sidii Dhulbahante iyo habarjeclo isugu rogmanlahaayeen, shirqoolkan oo siyaasiyiin iyo madaxdhaqameedka Habaryoonisku midaysnaayeen Habarjeclo may garan, waxayna u qaateen in ay u hiiliyeen colaad in ay geliyeen oo iyaga iyo deriskood isku dhufteen uma muuqato.( Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto malaha), waxay ku haboontahay in habarjeclo fahamto duulaankan siyaasadaysan ee loogu sheekeeyey dawlad baa idin taageeraysa ee duulaan taga, taana waxaa cadaynaysa bayaanka dhowaan uu soo saaray siilaanyo ee uu ku sheeganayo in kalshaale saldhig u yahay maxaysatada uu dirayska u geliyey.
Habarjecloy Kalshaale inaad iskaga guurtaan wixii dhib ah ee dhacayna labada beelood iyagu kawada hadlaan baa xal waara lagu gaadhi karaa, Quraan dhurwaaga qawlaysata hargeysa ka soo hiyi raacday malmaluuqeen Dhulbanante dhul idinka siinmaayaan ee runta u soo dega, gar la naqayna majirto ee shirqool la soo abaabulay buu ahaa wixii ka dhacay Kalshaale .
Hadaan dhul durugsiga layga dayn
Hadaan durqunka iyo Daan Daansiga layga dayn
Hadaan derisnimo dhamaan
Hadaan dulcad loo Hayaamin
Hadaan Xarshin iyo Xabashida la aadin
Hadaan Daaruhu Dilaamin
Hadaan Saraar Guban looga Guurin
Hadaan Maatadu Dayoobin
Hadaan Berbera Bula Xaar sideedii Bawnuhu u soo Hoyan
Guul iyo Gobanimo
Maxamud Caydiid Dirir
www.buhodlepost.com
emai lbuhodlenews@hotmail.com