Wasiirka waxbarashada oo booqday Pakistan, kulana la qaatay arday soomaaliyeed
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee DKMG Soomaaliya Dr. Cabdinur Sheekh Maxamed ayaa gaaray dalka Pakisyan isagoona kulan la qaatay ardayda soomaaliyeed ee Wax ka barata wadanka Pakistan, gaar ahaan caasimadda Islamabad.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Guud Ee Ardayda Soomaaliyeed ee Pakistan (UGAS) ayaa waxaa uu iskugu jiray mid soo dhaweyn iyo mid xog kala qaadasho ah.
Kulankan, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey wasiirka iyo waliba siihayaha safaaradda Soomaliya ee Pakistan, mudane Cali Sheekh Cabdullaahi oo isna ka mid ahaa marti sharafta kulankan.
Soo dhaweynta ka dib, ayaa waxaa kulanka hadalka u furay guddoomiyaha ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed mudane Mursal Cabdillahi, oo dhammaan marti sharaftii u mahad celiyey iyo gaar ahaan wasiirka iyo siihayaha safaaradda.
Wasiirka ayaa ku sugan magaalada Islamabad, si uu u xaliyo dhibaatada heysata ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadankan Pakistan.
Dhibaatada ayaa waxa ay tahay, ka dib markii ardayda Soomaaliyeed ee wadankan wax ka barta ay dawladda Pakistan weydiisay in ay la yimaadaan warqadda la yiraahdo (EQIUVALENCE LEETER) oo ay macnaheedu tahay “Warqad cadeeneyso shahaadada ay wataan ardaydaan in ay u dhiganto shahaadada wadanka Pakistan”, taas oo u keentay arday fara badan in ay ku waayaan waxbarashadoodii lagana buriyo jaamacadihii ay dhiganayeen.
Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Pakistan, mudane Cali Sheekh Maxamed, ayaa faah faahin dheer ka baxshay arrintan iyo dhibkeeda, kadibna waxaa uu hadalka ku soo dhaweeyey Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sarre, mudane Prof/Dr.Cabdinur Sheekh Maxamed, oo sifiican uga mahad celiyey ardayda sida wanaagsan oo ay Soomaalinimadu ku jirto oo ay usoo dhaweeyeen .
Wasiirka ayaa hadalka qaatay asagoo ka warbixiyey, intii uu ku sugnaa Islamabad, waxa u suuro galay iyo waxa uga qabsoomay arrintan.
Wasiirka ayaa waxaa uu ardayda Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan wax ka barta u sheegay in asaga iyo dawladda Pakistan ay arrinkan ka wada xaajoodeen iskuna afgarteen in ardayda Soomaaliyeed ee hadda waxbarashadooda wadata loo sameeyo waxa la yiraahdo (ENDORSEMENT) oo ah in ay si fiican iskugu ayideen labada dawlad, arrintana mar dambe aysan kusoo noqon aradyda hadda waxbarashadooda wadata.
Sidoo kale, wasiirku waxaa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay midayndoonto shahaadooyinka kala duwan ee kasoo baxa wadanka gudihiisa, wasaaradda waxbarashadana hawshaas mar dhaw ay ku dhaqaaqi doonto.
Intaas, markii uu yiri wasiirka ayaa waxaa is qabsaday casab masraxii uu kulanka ka socday ama (Auditorium) ee jaamacadda, taasoo sii farxad gelisay wasiirka.
Kadibna, xoghayaha ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed (UGAS) mudane Cabdifitaah Ahmed Sheekh (Baardheere) ayaa waxaa uu wasiirka uga warbixiyey waxyaabaha uu qabto urukaan iyo sabaha loo aas aasay.
Warbixin dheer ka dib, xogyahaya uruka UGAS ayaa mahad aanan lasoo koobi Karin u diray wasiirka iyo sida uu isugu soo hawlay hawshaan, muddada dheer taagneeyd.
Ugu dambeeyntii Mudane, Prof/Dr. Cabdinur Maxamed Sheekh, ayaa waxaa uu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyey ee isku soo hawla, kana daqnada dhibaatada haysato ardayda masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxna ka baranayo wadanka Pakistan.
Ardayda ayaa waxa ay bogaadin u jeediyeen dawladda DKMG Somaliya ee uu raysul wasaare u yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, dadaalada ay ka wado wadanka, ayagoona fariimo iyo dardaaranba u jeediyey wasiirka mudane Prof/Dr. Cabdinur Maxamed Sheekh.
www.buhodlepost.com