|

Kalankii Mudanayaasha Baarlamaanka KMG ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka oo soo dhamaaday (Sawiro)

Mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan kuyeesheen xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid su’aalo lagu waydiinayay wasiirka garsoorka arimaha diinta iyo owqaafta dowlada KMG Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Astuubta C/laahi Macalin Cali.

Kulanka maanta ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano kor u dhaafaya ilaa iyo 200 oo mudane oo ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya.

www.buhodlepost.com
email buhhodlenews@hotmail.com

Taliya ciidamada Asluuubta dowlada KMG Soomaaliya C/laahi Macalin Cali ayaa waxa uu sheegay in haatan ciidamada Asluubta ay qabaan dhibaatoyin aad u farabadan.

Taliya ayaa waxa uu sheegay wixii ka danbeeyay bur burkii dalka in ay gabi ahaanba la hilmaamay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed isla markaana xooga la saaray ciidamada Boliska iyo kuwa malatariga oo kaliya.

Wasiirka garsoorka cadaalada Arimaha Diinta iyo owqaafta C/laahi Abyan Nuur ayaa asna waxa uu u soo bandhigay baarlamaanka KMG Soomaaliya qoraal ku aadan xukunta kooxaha burcadbadeeda Soomaalida markii laqabto.waxaana wasiirku uu ka codsaday baarlamaanka in ay meel mariyaan qoraalkaan.

Ugudanbayntiina gudoomiyec ku xiyeenka baarlamaanka C/wali Sheekh Muuday oo shir gudoominayay kulanka Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in uu shirka xiranyahay waxaana loo balamay maalinta bari ah in dib leesugu soo laabto.

Fikrad Ka Dhiibo