Man-United oo Hogaanka ku soo Noqotay Iyo Liverpool Derby Oo Barbaro Ku Dhamaaday
Kooxda Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, inkastoo ay isku dhibco yihiin Kooxda ay isku magaalada yihiin Manchester City oo shalay si dirqi uga badisay Kooxda yar ee Wolves.
Manchester United waxaa caawa ciriiri gelisay kooxda laga yaaban yahay ee Tottenham, kadib ciyaar ka dhacday Garoonka White Hart Lane ayaa Manchester tallaabo ku qaadi weysay.
Wiilasha Tottenham waxay hakiyeen xowligii Manchestre ku socotay, waxaana goolal la’aan ku kala baxeen ciyaarta,laakiin Manchester bar bar dhacaas ayaa wuxuu dib ugu soo celiyay Hogaanka.
Rafeal Van Der Vaart ayaa Tottenham ka qasaariyay fursado goola ah, kaasoo gool laad ah oo u keenay Bale uu madax la haleelay, deetana birta dhinaceeda marsiiyay.
Manchester United ayaa ku ciyaareysa 10-ciyaartoy, markii ciyaarta laga saaray ciyaaryahanka reer Brazil Rafeal kadib markii qeybtii hore ciyaarta uu qaatay Kaarka Jaalaha, hase ahaatee qeybtii labaad mar kale qalad ula kac ah uu galay labo jaalo iyo Rooso la siiyay.
Sidoo kale Kooxda Liverpool oo tababare cusub dhowaan qabtay ayaa bar bar dhac labo gool iyo labo gool la dhaafi weyday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Evertoon.
Dhinaca kale ciyaarihii Shalay Chelsea ayaa madaxa tartiib kor u soo qaaday markii labo gool iyo waxba ay dirtay Blackburn, sidoo kale Arsenal ayaa saddex gool ku macasalaameysay Westham.
Dhinaca kala horeynta Hogaanka Labada Manchester ayaa min 45-dhibcood ku hogaaminaya kooxda Arsenal ayaa ku soo xiga oo leh 43-dhibcood.