|

mudaharaadkan oo ka dhacay banaanka hore ee guriga madaxtooyada Puntland qeybta uu ka deganyahay madaxweyne ku xigeenku

Saaka subaxnimadii ayaa Mudaharaadkan ay soo abaabuleen shacabka kasoo jeeda deegaanada SSC ay ka hor dhigeen Guriga Madaxtooyada Puntland Qaybta uu ka deganyahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Samed Cali Shire.

Mudaharaadkan oo dadka kasoo qaybgalay ay u badnaayeen dumar iyo caruur ayaa halku dhegyada ay ku dhawaaqayeen waxaa ka mida haa ,SHACABKAAGII MEE, MA ILOOWDAY LAASKII,,, KAC OO KALSHAALE AAD, iyo erayo lamid ah.

Dhanka kalena waxa mudahaardka ka qaybqaatay NGOyada ka hawlgala gobolada SSC, oo iyaguna xusay in la lunsaday lacago loogu talo galay taakulaynta abaaraha Puntland,

isku soo wada duuboo mudahraadkan ka dhacay Hoyga Madaxwene ku xigeenka puntland ayaa muujinayasa sida shacabka kasoo jeeda deegaanada SSC ay quusta uga taaganyihiin masuuliyiintooda ka tirsan Maamulka Puntland ee Madaxweyne ku xigeenkuna ka midyahay.

Ciidanka ilaalada madaxweyne xigeenka ayaa la sheegay in xabado ka kor rideen mudaharaadayaasha si ay ukala baaciyaan.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo