|

Arsenal oo ciil la hoyatay

Kooxda New Castle ayaa ka careysiisay Arsenal, kadib markii guushii u muuqatay ay ka dhigeen bar-bardhac.

Isma dhiibeyno, waan dagaalameynaa waxa ay aheyd fariintii NewCastle kulankii maanta ee ay kala hor tageen wiilasha Arsenal .

NewCastle ayaa isku daba gidisay guul hubaal u muuqatay oo Arsnal ay qorshaha ku darsadeen .

Arsenal ayaa qeybtii hore ku nasisay NewCastle 4-gool oo laba ka mid ah ay dhaliyeen labadii daqiiqo ee ugu horeeyay ee cayaarta .

Mid ka mid ah cayaartooyda Arsenal oo qaatay calaamadda gaduudan ayaa Arsenal ku riday dabacsanaan, waxaana lagu moosay difaaca.

NewCastle oo laba rigoore oo midkooda saxnimadiisa lagu muransan yahay ayaa cayaarta waxaa bar-bar dhac ku saxiixay oo goolkii afaraad oo darbo gantaal ahey shabaqa Arsenal ku hubsaday Sheekh Isma’il Tiote.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo