|

Qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda degaanadda Puntland ee baarlamaanka Soomaaliya ku jira ayaa ugu baaqay..

maamullada Somaliland iyo Puntland inay xalliyaan khilaafyada sababay colaadda ka taagan deegaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buhoodle ee gobolka Cayn

“Waxaan ka xunnahay dagaallada ka socda deegaanka Kalshaale iyo weerarka lagu qaaday dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaannadaas, waxaan ugu baaqaynaa maamullada isku haysta deegaannadaas inay xalliyaan khilaafka sababay dagaallada,” ayuu yiri mudane Xaaji Maxamed Cali oo ku hadlay afka xildhibaannada kasoo jeeda Puntland.

Mudanayaashan kasoo Puntland ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ku baaqayaan in labada maamul ay ka shaqeeyaan sidii aysan xabbad dambe uga dhici lahayn deegaankaas.
“Aad ayaan uga xunnahay weerarka lagu qaaday dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Kalshaale, kuwaasoo qaarkood la dilay. Waxaan rumeysannahay in dagaalkaas uusan ahayn mid loo baahnaa inuu dhaco,” ayuu yiri xildhibaanka Xaaji Maxamed.
Xildhibaankan wuxuu sheegay inay rumeysan yihiin in shacabka reer Somaliland ay yihiin kuwo nabadda jecel, ayna qayb ka qaadan karaan sidii colaaddaas lagu demin lahaa, wuxuuna madaxda Somaliland dhankooda ka codsaday inay qayb ka qaataan sidii lagu damin lahaa colaadda Kalshaale.

www.buhodlepost.con
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo