|

col axmed maxamed adan guul (dalbac) oo kusoo biiray ciidamada mujaahidiinta gobolka cayn

Buuhoodle 09/02/2011 waxaa manta magalada buuhoodle soo garay ciidamo uu hagoominayo col axmed maxamed adan guul (dalbac) oo hogaaminaya ciidamo ad u tiro badan ciimadan oo wata 10 baaburta gaashaman ah aya aad loogu soo dhwayey magaladaa buuhoodle waxa garoobka kubada cagta ee xabado dad waynaha kula hadlay (col dalbac) arintan aya ka danbaysay wada hadal dhex maray odayasha iyo wax garadka besha axmed gaard iyo hoogamiyahan manta soo galay oo dhalasho ahan kasoo jeeda beeshaasi wana tan qudbadii col dalbac

Anigoo ah Col’ Axmed Max’ed Aadan (Dalbac) waxaan cadaynayaa maanta oo ah 09/02/2011
markaan arkey Dhul durugsiga, Nacaybka iyo Dilka aanu ukala hadhin Maamulka Siilaanyo iyo beesha uu ka dhashey ee habarjeclo.
Markaan xaqiiqsadey in saraakiisha hoogaaminaysa ciidanka ay xasuuq iyo dil badheedh ah kula kacayaan bulshada dhulbahante.
Markay ii cadaatey in loo suurtageliyey beesha habarjeclo in ay ku samayso deegaamayn dhulka dhulbahante, ciidankuna ka qaxiyey dadkii dhulkaa iskalahaa sida Kalshaale , Galgal, Maygaagle, Hagogane iyo Wandhalaalax ayna u hanqaltaagayaan in ay Buuhoodlena ku darsadaan.
Markaan arkay go’aanka Madaxweyne Silaanyo uu sheegay in uu kaqaaday dhulkaa dadkii iska lahaa kana dhiganayo xeryo Ciidan.
Markaan arkey in la bilaabey in beesha habarjeclo ku dagaalanto hubka Dawlada.

Waxaan go’aansadey aniga iyo Ciidankayguba in aan iskaga baxno maamulka Somaliland daafacnana dalka iyo dadka dhulbahante ee aan kadhashay,ee lagu hayo dulmiga iyo gardarrada.

Waxaan ugu baaqayaa:-
Dhulbahante in ay dalkooda daafacdaan meelna uga soowada jeestaan gardarrada cadaanka ah ee Maamulka Silaanyo ayna ogaadaan hubka lala dhacayaa in uu yahay kii SNM ku qabsatey qoriga Ak47 iyo Kaarabiinka.
Masuuliyiinta Dhulbahante ee katirsan Maamulka Somaliland xil iyo derejo kasta halahaadaane waa in ay kabaxaan maamulkaas cadaystey Cadaawada bulshada dhulbahante kana badbaadiyaan Khatarta kusocota dadkooda.
Maamulka Somaliland Waxaan ugu baaqayaa in si deg-deg ah ugala baxaan ciidamadooda dhammaan deegaamada dhulbahante, ayna ka bixiyaan magdhaw gaboodfaladii ay ka geysteen deegamadii ay sida naxariisdarada ah weerareen haddii kale wixii cawaaqibxumo iyo colaad raagta oo dhulka aafeysa ay masuul kanoqnayaan.

Gaashaanle Sare
Axmed Max’ed Adan {Dalbac}
————————————-

1 Response for “col axmed maxamed adan guul (dalbac) oo kusoo biiray ciidamada mujaahidiinta gobolka cayn”

  1. naijma says:

    ssc guul waligin walahay wad cadh saten isaq abahod wasoyin

Fikrad Ka Dhiibo