Warar sir ah oo la helaayo ayaa sheegay in Madaxweyne Faroole aanu diyaar u ahayn in ciidamadiisu ay ka baxaan Garoowe
Qaar ka mid ah Golihiisa wasiiradda ayaa odayaal kooban oo kuwa tageera mamaulka puntland oo ku sugan Buuhoodle ugu waramay in uu Faroole diyaar ula yahay wixii taakulo ah ee ay u baahan yihiin balse aanay reer Buuhoodle ka sugin wax ciidan ah oo u yimaada.
Arintan oo odayadaasi oo kuwa ku dhaata Puntland ay ka xumaadeen iyagoo qaarkoodna ay sheegeen in aanay awlba sugayn ee uu mahadsan yahay hadii taakulo keliya laga helo bale qaar ka mid ah odayaasha oo si xanshashaqa aan ku waraysanay ayaa noo sheegay in Faroole iyo kuwa haatan la jaalka ah uu ka dhaadhiciyey in uu doonayo madaxweyne Soomaaliyeed dagaalka haatan la galaana uu ku yahay fadeexad.
Su`aalo ay sii weydiiyeen odayaashaas cadhaysan ayaa waxay qolyahan wasiiradda ahi ku qanciyeen dadka degaanku iyagaa isku filan inay cid walba iska dhiciyaan waxana ay ka codsadeen inaanay warkaas faafin oo uu sir yahay waxana ay wasiiradu raaciyeen in hadii Faroole madaxwene Soomaaliyeed noqdo waxbadan hagaagayaan.
Ciidamada ayaa haday ogaadaan warkan ayaa laga baqayaa inay sameeyaan inqilaab taasina waxa ay kaga daran tahay ismaandhaaf maalmahan socdey oo masuuliyiinta ciidamadda iyo Madaxda Puntland u dhexeeyey iyadoo Gen. Siciid Dheere uu ugacan qaaday Gen. C/samad Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo uu buug iyo mabayl ku kiciyey kadib markii uu didey in uu saxeexo amarkii hawlgalka ciidanka oomadaxweyne Faroole uu isaga ku soo riixey.
Cidii cadayn u baahan ha la soo xidhiidho
dhanka kale xalada guud ee buuhoodle iyo dhamanba gobolka cayn aya dagan waxaba wali soconaya gurmadyo fara badan waxana ciidan iyo hub la circiiraysa nawaaxiga gobolka cayn ciidamada mujaahidiinta difaac gobolka cayn aya ku sugan jiidaha dagalkkii casharka loogu dhigay siilaanyo waxayna balan qadeen in ay sacadaha fooda inagu soo haya casharo horleh u dhigi donan baadil wadayasha an gulaysanayn e dir waqooyi
www.buhodlepost.com