Hargeysa,(buhodlepost.com)-Wafti Uu hogaaminayo Axmed Cabdi Xaabsade Oo Maamulka Hargeysa Ugu qaabilsan Wasaaradda Warfaafinta..
ayaa ku soo fooleh magaaaladda Kacsan ee laascaanood, iyadoo waftigan ay weheliyaan saraakiil ciidan,
Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waftigan ayaa u kala socda magaalada laascaanood iyo qorilugud, iyadoo waftiga qori lugud u socdo uu hogaamin doono Cismaan Garaad Soofe oo ah wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Somaliland. halkaas oo laga yaabo in oo kula kulmo odayal rer qoorlugud ah kadiba uga sii gudbo magalada buuhoodle kulana la qaato wax garadka magalada ku sugan magaalada buuhoodle oo hadda gabi ahaanba aysan ku sugnayn cid u shaqaysa Somaliland.
Labadan Wafdi ayaa waxay sidaan lacago la sheegay in loogu talagalay abaaraha, waxayse maamulka Somaliland isku dayayaan mara habaabinta dadka shacabka ah oo xiligan bilaabay sidii ay iskaga saari lahaayeen Maamulka Uu hogaaminayo Silaanyo oo maalmo ka hor cadaystay dagaal ka dhan ah Shacab weynaha Reer SSC.
Arimahan ayaa ku soo beegmayso maalin kadib markii magaalada buuhoodle si weyn loogu soo dhaweeyay Col Dalbac oo 10 sano kamid ahaa saraakiisha ciidamada Somaliland, islamarkaana kamid ahaa saraakiishii hogaaminaysay markii Somaliland ay gacanta ku dhigtay magaalo madaxda gobolka Sool ee laascaanood.
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com