|

Mubarak oo xukunka ka dagay

Kumanaan dibadbaxayaal masaari ah ayaa mashxarad ka wareegay galabta kadib markii uu ra`iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Omar Suleiman uu ku dhawaaqay in uu xukunka ka dagay madaxweynihii dalkaasi Xusni Mubarak.

Fariintan ayaa dhagaha dadka soo gaartay galabta abaarihii 17-ka (shanta galabnimo), waxaana mar qura isqabsaday damaashaad goobta loo yaqaan barxadda xorriyadda ee Tahriir, halkaasoo ay ku sugn yihiin kumanaan dibadbaxayaal ah.

Ciidanka xoogga dalka oo lagu wareejiyay talada dalka ayaa saacad ka dib markii ay soo baxday fariintan waxa ay kala direen golihii sariirada dalka iyo golaha baarlamaanka, waxaana amniga guud iyo talada dalka gacanta ku haya imink ciidamada.

Xalay ayay aheyd markii uu madaxweyne Mubarak ku dhawaaqay in uusan xukunka ka dageynin tan iyo inta laga gaarayo bisha Sebtember oo uu waqtiga ugu ekaa.

Tegida Mubarak ayaa ka dambeysay kadib markii ay ku kacdoomeen shacabka reer Masar, waxaana uu talada dalkaasi hayay mudo 30-sano ah.

Fikrad Ka Dhiibo