|

buudhcad badeed lagu maxkamadaynayo kaulalumpur malaysia

11-kii bishii labaad ee sanadka 2011 waa malin ay ardayda
somaliyeed ee ku
Nool wadanka Malaysia ay dhagaha u tagayeen

Maxkamadaynta qaar kamida budhcad badeed somaliyeed oo dabayaqadii bishii January lakeenay wadanka Malaysia
Ka din markii ay ciidamada mariniska wadanka Malaysia ay gacanta ku soo dhigeen 7 kamida budhcad badeeda somaliyeed ee ka qawlaysata xeebaha wadanka Somalia iyo waliba badaha calamiga ah

Xalada amaanka ee agagaarka maxkamada ayaaa ahayd mid aad loo adkeeyay waxan la arkayay ciidamada police-oo gacanta ku haya dambilayasha loohayso budhcad badeednimada

Ismail Omar ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada police dalka malaysia oo ka halay arintan ayaa shegay in ay wali wadaan badhitaano ku saabsan falkii ay budhcad badeedkani ay u gaysteen shaqalahii markabka sarnaa wadan
Anagoo eegaynaa xeerka numbarkisu yahay 117 criminal procedure court waxan wadnaa baadhi taano badan

Waxa kaloo ay wararku intaasi ku darayaan in hadii lagu helo dambigan lagu xukumi doono xukun dil ah taaso umuuqata in
aytahay xukunkii ugu adkaa ee lamariyo budhcad badeed somaliayeed

Inkastoo 3 ka mid ah ragan budhcad badedka ah ay da’dodu tahay 15 taasoo u muuqata in uusan sharciga dilku uusan qaban doonin madama aysan wali gaadhin da’dii loogu tala galay sida uu saxafada u xaqiijiyay xeer ilaaliya guud ee maxkamadu

Waanu xukumaynaa macnaheedu waxay tahay
waxanu haynaa dambi cad oo ay galeen ragani .. hadii ay ku cadatana waxa loo maxkamadaynayaa sidii qof dambi ka galay muwadin Malaysian ah ama khalkhal galiyay amniga wadanka Malaysia .. sidaasi waxaa yidhi MOHAMED ABAAS oo ah garyaqaan u dhashay wadanka Malaysia

Iskusoowada duboo 21 january ayuunbay ahayd markii ciidamada mariniska wadanka Malaysia ay gacanta ku soo dhigee 7 budhcad badeeed Somali ah
kadib markii ay afduub ugaysteen markab laga leeyahay wadanka singapure oo
Marayay gacanka cadmeed
Lagu magacaabo BUNG LOUREL waxana markabsas sarnaa 23 shaqale
Isla 31 january ayay so gadheen wadanka Malaysia
Xiligaas oo ay gacanta ku dhigeeen ciidamada Internal security acct oo iyagu qabilsan gacan ku haynta dadka dambiila yasha ah ka hor intaanan maxkamad lasootagin

wadanka Malaysia ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee asia ah ee maxkamadeeya budhcad badeed somaliyeed iyadoo uu sidoo kalena uu noqonayo wadankii afraad ee maxkamad soo hortaga budhacbaded somaliyeed waxana sidan
oo kale u maxkamadeeyay budhcad badeed soamliyeed
wadamada ay kamidka yihiiin Maraykanka . germalka iyo holand ,, halka India iyo south Korea ay iyaguna dhakhso sharciga u hor keeni doonan budhcad badeed ay gacanta ku soo dhigeen

ciise ahmed garad kualalumpur malaysia

Fikrad Ka Dhiibo