|

Baaq Nabadeed oo ay soo saareen Culumaa’udiinka Gobolka Sool. (Laascaanod, February (buhodlepost) 13/02/2011

Mahadoo dhan Alle ayey u sugnaatay, nabad iyo naxariisna nebiggeenna korkiisa ha ahaato, intaas ka dib:

Sida la ogsoon yahay waxaa beryahan danbe gobollada dalka ka jira dhibaatooyin kala duwan sida colaado iyo abaaro saameeyey degaanno badan, meelaha qaar abaarihii waxaa ugu darsamay colaado, sida aagga Kalshaale iyo nawaaxigiisa oo dhowaan dagaal fool xumi ku dhex maray dad walaalaha oo uu ka dhexeeyo dhaqan iyo dhiigba, kaasoo sababay khasaare baaxad weyn oo isugu jira naf iyo maalba, haddaba culimada iyo waxgaradka gobolka Sool markay qiimeeyeen xaaladda colaadeed iyo abaareed ee ay ku sugan yihiin degaannadaasi, waxay soo saareen baaq ay nabadda ugu baaqayaan dhinacyada dirirtu ku dhex martay Kalshaale iyo nawaaxigeeda welina is hor fadhiya,

Waxayna soo jeedinayaan arrimahan soo socda:

1. Waxay culimada & waxgaradku aad uga xun yihiin dhibkaas dhacay ee ku soo aaday xilli dalka abaaro ba’ani ka jiraan,iyo dhibaatooyin kale oo badan waxayna tacsi u diraan dhammaan dadkii dhibku soo gaadhay, iyagoo Alle u weyddiinaya inuu kii dhintay u naxariisto, kii dhaawacan bogsiiyo, dadkii laga dhintay samir iyo iimaan ka siiyo.

2- Waxaan ku baaqaynnaa xabbad joojin deg deg ah oo aan shuruud lahayn.

3- In la kala fogeeyo ciidammada is hor fadhiya.

4- In la isugu yimaaddo wada hadal nabadeed oo lagu soo afjarayo mushkiladdii meesha ka dhacday.

5- Guud ahaan waxaan ku baaqaynnaa tawbad keen Alle xaggiisa loo cararo, la is cafiyo, roob doonna la samaeeyo, si Alle noogu naxariisto.

6- Waxaan ku boorrinaynnaa dadka walaalaha ee Soomaaliyeed inay sameeyeen isu gurmad dhexdooda ah, ayna laban laabaan dedaalka iskaalmaynta ah ee ay u fidinaynayaan dadka iyo xoolaha abaaruhu saameeyeen.

Allaha weyn waxaan weyddiisanaynnaa inuu dhibkan naga qaado, colaadda iyo abaarahana noogu beddelo nabad iyo barwaaqo, aamiin

Magacyada culimada & waxgaradka soo saaray baaqan

1- SH.C/naasir X.Axmed Yuusuf

2- SH.Axmed Maxamed Suleymaan

3- SH. Cali Mucallim Xasan

4- SH.Maxamuud Diiriye Cilmi

5- SH.Maxamuud Maxamed Maxamuud

6- SH.Aadan Cilmi Saciid

7- SH.Aadan C/raxmaan Xuseen

8- SH.Saciid Axmed Cadar

9- SH.C/naasir X.Maxamed

10- SH.Xasan Maxamed Bootaan

11-SH.Aadan Cali Nuur

12- Saciid Cabdi Ducaale

13- SH.Maxamuud Salaad Warsame

14- SH.Yuusuf Haybe Ibraahim

15- SH.Daahir Khaliif Jaamac

16- C/razaaq Maxamed Warsame

17- C/llaahi Ciise Oog

18- C/llaahi SH.Cali Macallim

19- C/naasir Maxamed Barre

20- SH.C/llaahi X.Axmed

21- SH.C/rashiid X.Axmed

22- SH.C/llaahi Maxamuud Cali Maahir

23- SH.Jaamac Maxamed Cusmaan

24- SH.C/rashiid Yuusuf Maahir

25- SH.Maxamed SH.Aadan C/raxmaan

26- SH.Maxamed Maxamuud Faarax

27- SH.Cali Aadan Dalmar

28- SH.Maxamed Xirsi Maxamed

29- SH.Axmed Maxamed Maxamuud

30- Axmed C/raxmaan Cali

31- Maxamed c/raxmaan Cali

32- C/qani Cali Dhuux

33- C/rashiid Jaamac Biixi

34- C/qani Awdaahir X.Xasan

35- Crisaaq Cali Xuseen

Baaqan waxaa nasoo gaadhsiiyay

Sseekh Axmed Maxamed Suleiman

1 Response for “Baaq Nabadeed oo ay soo saareen Culumaa’udiinka Gobolka Sool. (Laascaanod, February (buhodlepost) 13/02/2011”

  1. M.H.Buraleh says:

    Baaqani waa HIIL SNM. Nabad ciddii rabtaa SNM ha u sheegto inay dib ugu noqdaa gobolada SNM(Togdheer Iyo Waqooyi Galbeed). Markay Lebida Gaatama dhaafaan baa derisnimo wanaag laga wada hadli karaa. Culimo ummadda SSC u sheega waxa idin damqa marka SNM la iska caabiyo. Culimadan waxaa ku jira kuwii yidhi SNM intay Laascaanood timid nabad iyo horumar baa ka hirgalay.
    Culimdan nin SNM ah baa madax u ah waxay labaxeen Al-ictisaam,lacag urursi iyo caruur korsi bay shaqo ka dhigteen,waxay qabaan inay Soomaaliya gacantooda geli doonto mar hadday tacliinta,iyo ganacsiga gacanta ku qabtaan.

Fikrad Ka Dhiibo