|

Somaliland ayaa maleeshiyaad la soo ururiyey soo dhoobay meeleha xadka ah(daawo Sawiro)

Ciidan maleeshiyaad laga soo daad guraynayo meelo kala duwan ayaa maamulka la baxay Somaliland soo dhoobeen dhul badan oo ka mid ah meelaha ay ciidamadoodu joogaan si ay ugangacan siiyaan ciidankooda duulaan ku yimaada.
Arintan ayaa ka danbaysey kadib markii ay isdhimeen ciidankii loogu yeedhi jirey ciidanka Qaranka taasi oo la sheegay inay ugu wacan tahay niyadjab xoogleh oo ku yimi iyo cunsuryad ka dhex bilaabantay ciidanka.
Sarkaal ka tirsan ciidanka ku sugan Laascaanood ayaa ii sheegay in isagu uu ka soo jeedo degaan ahaan gobolka Awdal haatana ciidankii degaankaasi ka soo jeedey ay 70% ay tageen taasina ay sababteeda leedahay iyadoo meel kasta oo la is yidhaah manfac bay leedahay waxaa la keenay nin Habar jeclo ah taasina waxa ay keentay in laga dareero.
Arinta labaad ee sababtay in ciidan beeleedkan la soo buuxdhaafiyo meelaha jiidaha ay ku sheegaan ayaa ah tayada ciidanka oo is dhintay, iyadoo ciidankii ugu xooga badnaa ee maamulkaasi lahaa uu ku shuf beelay Kalshaale.
Guutadda 17aad ayay ahayd ta maanta loo soo ururinayo ciidan booskoodii buuxiya waxaana la xaqiijiyey inay dhinteen in ka badan kala badh halka intii soo hadhay badankoodiina ay isbitaaladda jiifaan iyadoo sarkaalkii haystey oo lagu magcaabi jirey Ilbir uu isaga laftiisu ku dhintay isbitaalka Hargeysa dhaawacii soo gaadhey.
Hoos Kadaawo Sawirada Malayshiyo Beeleedyo reer Guura ubadan oo lagusoo daabulayo Jiidaha Dagaalka

.

Fikrad Ka Dhiibo