|

Warar iska soo horjeeda oo ka soo baxaaya xaalada caafimaad ee Xusni Mubaarak

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow Xusni mubaarak, waxay sheegeen in madaxwaynihii la afgembiyay uu diiday martiqaado oo uga yimid afar madaxwayne oo carabeed, isla markaana wuxuu xaqiijiyay masuul Sucuudi ahi in Mubaarak uu doonaayo in uu ku dhinto ciida Masar, iyada oo ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan xaaladiisa caafimaad, ka dib markii uu ka degey xukumka.

Waxaana wargayska Masar ee Alyoom ee madaxa banaani ka soo xigtay ila wareediyo ay ku tilmaameen kuwa ku dhow Mubaarak, ay yidhaahdeen in madaxwaynihii hore uu kula nool yahay wiilkiisa Calaa’a magaalada Sharam Shiikh, iyada oo uu xanuunsaday maalintii Axada xaaladiisuna ay ka sii dartay.

Wuxuuna u sheegay wargayska mid u hadlay xarunta caafimaadka caalamiga ah, oo raacsan ciidamada qalabka sida ee Masar, in Mubaarak uu hayo Cancer kaga dhacay Beer -yarada, ee aanu ahayn mid kaga dhacay Beer-kutaasha sida hore loo shaaciyay.

Miyir beel

Sidana laga soo xigtay masuul Sucuudi ah oo diiday in magaciisa la faafiyo, in Mubaarak uu isu dhiibay xanuunkiisa, uuna diiday martiqaad uga yimid Sucuudiga, isagoo ku adkaysanaaya in uu ku dhinto Masar.

Wuxuuna ka soo weriyay wargayska Masar ee Aljamhuuriya masuul jooga magaalada Sharam Shiikh in uu xaqiijiyay in Mubaarak uu ka soo miiraabay habeenkii Isniinta miyir beel haleelay, laakiin se uu diiday dalabaadkii wiilkiisa wayn ee Calaa’a ee had iyo jeer la socda, in uu u qaado yurub oo ku soo daawayo, wuxuun u xaqiijiyay in uu iska joogaayo Masar oo lagu aasaayo ciideeda.

Wuxuuna sheegay wargaysku in uu ka ogaaday kooxdii dhakhaatiirta ahayd ee la socotay, in ay shalay aroortii ugu yeedheen gaadhi iscaaf ah oo qalabaysan halkii uu deganaa, taas oo ka yeeshay dadka qaar in ay ictiqaadaan in loo qaadaayo groonka diyaaradaha ee Sharam Shiikh ee caalamiga ah, si loogu dhoofiyo debeda, laakiin se madaxwaynihii hore waa diiday markii uu miyirsaday fikrada dhoofka mar kale.

Wuxuuna ka soo xigtay ilo uu ku sifayay xog ogaal in Mubaarak uu hayo cancer kaga dhacay colon ka, waana sababtii uu safarka is daawaynta ahaa hore ugu tegay Germany, wuxuuna hada la il daran yahay xaalad niyad jabsanaan ah iyo dhiig kar, wuxuuna in badan diidayaa in uu cuntada iyo daawooyinka cuno, waana tan ku kaliftay kooxdii dhakhaatiirta ahayd, in ay siiyaan daawooyin dejiya oo xoog leh oo seexinaya in badan.

Sida ay goob joogayaal sheegeen, Mubaarak wuxuu soo gaadhay kelidii isaga oo aanay la socon cid qowskiisii ka mid ahi groonka diyaaradah ee Sharam Shiikh, casarnimadii maalintii Jimcaha ka dib markii la sii daayay khidaabkii uu kaga degay xukumka, waxana ka daba yimid laba saacadood ka dib wiilkiisa Calaa’a oo la arkay isagoo diyaarada ka soo degaaya kelidii isaguna.

Sida wargaysku sheegay waxay u dhooftay Suusaan iyo Jamaal iyo qowskiisii dhamaan dowlad Yurub, ka dib markii ay ka dhacday gurigii madaxtooyada xaalad kala qaybsanaan ah iyo eedaymo ay is waydaarsadeen labadiisii wiil, ka hor intii aan la sii dayn khidaabkii uu xukumka kaga degay.

Laakiin se ilo xidhiidh la leh qowska Mubaarak, wuxuu sheegay in madaxwaynihii hore ku sugan yahay khayr uuna helo oo ka jawaabo tilifoonada.

Wuxuuna la il daraa Mubaarak mushkilado caafimaad sanadihii yaraa ee tegay, wuxuuna u dhoofay Germany 11 bilood ka hor, halkaas oo loogu samayay camaliyad Beer-ku taasha ah, taas oo si rasmi ah loo sheegay waqtigaas, laakiin se wararka sheegaaya in xaaladiisii caafimaad sii xumaatay, ayaa isa soo taraaya ilaa iyo intii xukumka laga tuuray Jimcihii ina dhaafay, ka dib sodon sanadood oo uu xukumka hayay.

Wuxuuna noqday Mubaarak mid ku qaata waqtiyo dhaadheer joogitaankiisa Sharam Shiikh mudooyinkan ugu dambeeyay xukumkiisa, si uu uga faa’iidaysto oo ugu bogsado hawada bada, ee u suura gelinaysa dhinaca ka soo horjeeda in uu ka arko Boqortooyada Carabta ee Sucuudiga, halkaas oo uu u cararay madaxwaynihii Tunis ee la afgembiyay ziin Alcaabidiin Bin Cali, kaas oo thowradii riday ay kicisay banaan baxayaashii Masar.

Xusuuso

Dhinaca kale wuxuu sheegay wargayska Masar ee Alyoom oo ku salaysan ilo ku dhow Mubaarak, in madaxwaynihii hore uu goostay in uu sii wado qorista xusuusihiisii, laakiin se uu hakiyay fikreda si aanu u haleelin tacab iyo daal mar kale.

Wuxuuna ku daray in Mubaarak uu bilaabay duubista xusuusihiisii cod ahaan dhowaan, laakiin se aanu dhamayn, wuxuuna sheegay in xusuusaha ay ku jirto kedisooyin badan gaar ahaan shantii sano ee ugu dambeeysay xukumkiisa, isla waqtigaa waxay sheegeen koox Masaari ah oo isu xil saaray soo celinta hantidii shacabka, in ay ku soo daabici doonaan boggooda internet ka cadaymo iyo dukumentiyaal ku saabsan hanti la dhacay,kaydsiyo, dahab iyo xiwilaado ku saab masuuliin xukuumadii hore. Wakaaladaha wararka

isse ahmed soofe bangkok tailand

Comments are closed