Culimoy Caddaaladi Waa Ta ALLE ee Colka Burcaa laga Soo Wadaaye Buuhoodle Hoosaasinta Ka Daaya.
ALLAA Mahadleh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenii Suubanaa Korkiisa ha ahaato.
Culimada Somaliland Xukuumaddoodu waa Muqadis tacadiyada ay u gaystaan dadka kale ee Soomaaliyeed ciday doonaan ba ha ahaadeene way uga aamusaan, xitaa kolay ku tahay xadgudubyada shareecada Islaamka ka baxsan ee ka dhaca hargeysa culumadu afkay ka xidheen waxay kelmad ka odhan waayeen ninkii Jarmalka ahaa ee dhaqan xumadii la ogaa ka gaystay hargeysa.
Culimada Isaaq intii maamulkooda hargeysa iyo beelohoodu duulaanka ku ahaayeen Dhulbahante weligood kamay hadlin in duulaankaa gardarada ah laga daayo Dhulbahante, waxayba ahaayeen guutada ugu xooga badan ee wiswiska dadka Dhulbahante ku abauuri jirtay in aanay isdifaacin.
Hadaba iyaga oo culimada Isaaq aamuskaa dheer ku jiray taageero hiil iyo hooba ahna siinayey xukuumadohoodii kala danbeeyey maxaa maanta ka hadliyey?
Hadalkay ku hadleen se munaasib mayahay?
Yaa loo baahnaa in ay la hadlaan?
Su’aalahaa iyo kuwo badan oo kale ayaa is waydiin mudan badankoodana dadka akhristayaasha ah baan u dhaafayaa, aanse qaar ka jawaabo:
Sida la wada og yahay hogaamiyaha ruuxiga ah ee dhamaan xarakooyinkii islaamiga ahaa ee dalka soomaaliyeed soo maray welina hogaamiye u ah dhamaan culima badan oo kukala sugan geesaha soomaaliya oo ay ka midyihiin culimada caro dhulbahante, garowe ilaa kuwii sameeyey Xisbul Islaam wuxuu ku nool yahay Burco, duulaanka beeshiisa iyo xukuumadiisu waday sheekhu marna ma odhan hala joojiyo, hadiise xertiisii hadashay maxay ula hadli waayeen beesha sheekhooda oo ah kuwa duulaanka wada?
Guuldaradii beelaha Isaaq ka raacday Kalshaale waxay noqotay mid ay qaadan waayeen oo hanfariir iyo welwelna ku abuurtay waxa dhicikara haddii dagaal danbe dhoco in aan burco layskala sokaynayn dhulbahantena aanu kalshaale ku joogsandoonin cagtana lamarindoono dhul badan baa iska cad.
Hadaba si loo carwasaadiyo duulaan Dhulbahante sooqaado si uu isaga kiciyo cadowga ku habsaday in badan oo dhulkiisa ka mid ah welina duulaanka ah, wuxuu Isaaq boodhka ka jafay xulufooyin badan oo mudo badan ku taageersanaa xadgudubka iyo tacadiyada dhaqanka Islaamka ka baxsan ee Isaaq ka waday caro Dhulbahante , culimadani maxay uga hadliwaayeen maatada iyo dumarka iyo caruuraha Laascaanood ilaa burco maalin walba la soo daabulayo ee jeelasha lagu ururinayo, culimadu ma ogayn miyaa Laascaanood Somaliland markii ay albaabada iyo dariishadaha kala baxaysay qofkii cashuur siinkari waaya?, dumarka danyarta ah suuqa wadhatada markii Isaaq yaanyada ka urursanaysay haddii ay cashuur awoodi kariwaayeen in ay iska bixiyaan?, cashuurta dheeraadka ah markii Laascaanood lagu soo rogay culimadu maxay u aamusnaayeen?, dadkii Laascaanood ku noolaa markii labarakiciyey culimadu maxay u aamusnaayeen? Hablaha xijaaban laamiga Laascaanood markay ciidan beeleedka Isaaq maryaha kaga diiranayeen culimadu maxay uga aamusnaayeen? Bandowga Laascaanood saaran ilaa maalintii Isaaq qabsaday, ee aan xitaa qof dumar ah oo fooli hayso marka baadiye lagala soo cararo si ay meel dhakhtar joogo ugu dhasho aan loo ogolayn in ay kontaroolka isbaaradu u taal aanay soo dhaafin haddiiba qoraxi dhacdo ama ha isku dhimato ama baadiye ha lagu celiyo, arxan daradaa iyo waxaa soo dulmi ah culimadu maxay u daawan jireen?, weliba marka dumarka iyo carruuruhu ka mudaharaadaan Laascaanood xubnahan hada ordayaa waxay ahaayeen kuwa loogu yeedhi jiray in ay dumarka iyo carruuraha ku beerlaxawsadaan nabad baad haysataane ha iska duminana, oo ay ugu danbaysay mudaharaadkii bishan ka dhacay Laascaanood.
Widh Widh markii weerarka lagu qaaday ee dumarka beebeega la dul marinayey, odayaasha birma geydada ah la biraynayey maxay culimadan hada gurdamaysaa uga hadliwaayeen dulmigaa?
Intaas oo dhan oo ay culimadu arkaysay oo aanay waxba ka odhan maxay maanta u soo kiciyeen dhamaan xertii min boorame, burco, Laascaanood, ilaa Garoowe? Maxayse Isaaq baa duulaan ahe ula hadliwaayeen inta ay hoosaasinayaan shacabka Dhulbahante ee aan wax maamul ah oo taageerayaa jirin.
Nabadu maxumaateen waana loo baahan yahay in la raadiyo waxayse ahayd cida weerarka ku ah reero kale guryohoodiina ku habsatay in lala hadlo oo culimadu jeediyaan in ay dhibta joojiyaan kana guuraan dhulka ay ku habsadeen, marka Ciidamada Isaaq dhulkoodii ku noqdaan dhulka ay dhulbahante ka qabsadeena ay ka baxaan ayaa markaa wixii dhib ah ee kala gaadhay laga wada hadlikaraa intase xaalku sedan yahay nabad laga wada hadlaa mataal, nin gurigaagii kugu qabsaday ma odhan karo aan wada hadalo ninka ku taliya wada hadalna eex badheedh ah buu ku kacay.
Ummadda Soomaliyeed qofka ugu danbeeya ee ay caddaaladdaro ku tuhmilahaayeen waa culimada, hase yeeshee waxaa duulaanka Isaaq Dhulbahante ku soo qaaday marag ma doonto u noqday in badan oo culimada safka hore ee cilmiga loo tirinayey in ay simbiriirxdeen.
Kalshaale iyo caro Dhulbahante laba beelood kuma dagaalamin ee waxaa ku dagaalamaya Isaaq oo dawlad sheeganaya iyo dhulbahante oo iska horaynaya markaa culimada baaqyada soo saartay ee gulufka colaaddeed horboodaya waxaan leeyahay haku hadlina afka siyaasiyiinta ee duulaan ka ay wadaan ka dhigaya in habarjeclo iyo dhulbahahte is hayaan. baaqyada ay soo saarayaan ha u jeediyeen soamaliland iyagaa duulaanka wadee, hana joojiyeen afka eexda ah ee odhanaya beelaha dagaalamayaa dagaalka ha joojiyeen
.
Dadka Dhulbahantena waxaan leeyahay dhulkiina idinkaa leh taladiisuna idinkay idinka go’daa kuwa cadowga idin dhibaataynaya la jira ee had iyo jeer wis-wiska idinku anbuura markii duulaan cusub Isaaq idinku soo qaado, ee idin la dhex orda nabad aan jirin oo macneheedu yahay dulmiga ha ka gilgilanina go’aanka aad cadowga ka gaadheen mid la mid ah ka qaata.
culimadan maareeyayaasha u ah xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiinta ee badankooda hargeysa laga leeyahay waxay ku qabaan dano badan hargeysa dhiiga dadka dhulbahantena dantooda ayaa kala qaalisan, ee dheg haw dhigina, balanteenuna waa Inoo Lebida Gaatama dhul danbe oo laysku haysanayaana majiridoono.
Guul iyo Gobanimo
Eng. Maxamud Caydiid Dirir
walaal hadaan fikirkayga ka dhiibto arintaas waxaan u arakaa inaanay danbi galin isaaq sababtoo ah waa wan isaaq ido u asoolan madaayo wan waxaan taas u leeyahay dhulbahante waa ido asoolan
lax asoolana wan ma daayo