Chelsea oo garaacday Man. United (2-1)
Kooxda Libaaxyada mad-madow ee Chelsea ayaa 2-1 uga badisay kooxda laga fujin la,yahay hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Manchester United kadib markii ay ku qaabishay gurigeeda.
Cayaartan oo ahayd mid adag oo soo jiidaneysay indhaha daawadayaasha ayaa ku dhamaatay 2-1,sidaana ay guusha ku raacday kooxda tareenkooda jiidmaya ee Chelsea.
Manchester United oo ku hormartay gool dhalinta ayaa waxaa tir-tiray daafaca dhanka bidix ee ay dhawaan soo iibsatay Chelsea David Luiz,iyadoo kan labaadna uu dhaliyey Frank Lampard oo helay gool ku-laad (Rigooro).
Xagga kubad heysashada qaybti hore waxaa ku sareysay Manchester United inkastoo marki danbe ay maamulka la wareegaty Chelsea, kadib bedello micna soo kor dhiyey oo uu sameeyey Macalinka Chelsea Carlo Anceloti.
Ilaa 6 calaamadda jaalaaha ayey labada kooxood ka aruursadeen garoonka Stanford,iyadoo Calaamadda Cas (Rooso) la siiyey difaaca Manchester United Vidic kaasoo kooxda ka maqnaan doono dhowr kulan oo uu ku jiro kulanka Man Untd ay la leedahay kooxda Liverpool.
Kooxda caanka ah ee Chelsea ayaa iminka soo gashay kaalinta 4-aad waxa ayna leedahay 48 dhibcood, Tottenham ayey hal dhibac ka sareysaa.