|

Barkadihii Kalshaale Lama Aasin welina Ciidamadii Somaliland kama bixin G/Cayn:

Wasiirka Wasaarada kalmuuysiga iyo khayraadka badaha ee dawlada Puntland Eng Maxamed Faarax oo ku sugan degmada Buuhoodle isla markana la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay aaseen laba baraagood oo keliya balse ay ogaadeen in ay qodeen saddex kale mudadii ay ku sugnaayeen degaankas halka berked kalena ay biyo ku jiraan
Waxaa wasiirku uu sidoo kale ka hadlay bixitaanka ay ciidamada Somaliland ka baxeen degaanada Hagoogane iyo Meygaagle ,waxana uu sheegay in ciidamada Somaliland ay dib uga baxeen degaanka Meygaagle,waxana uu sheegay in ay isu muuqdaan, dhaq dhaqaaqa ciidan ee ay sameeyeen uu yahay mid xeelad ciidan ah,waxa uu wasiirku sheegay in hadii duugida baraagaha ay run tahay la keeni lahaa warbaahinta si ay dadka ugu soo bandhigto duugitaankii la sameeyay
Hadalka wasiirka Kaluumaysiga Puntland ayaa soo baxay iyada oo lagu soo warramayo in degaanka Kalsheela ay booqdeen saraakiil Etoobiyaan ah kuwaas oo kormeer ku samaynayay dhaq dhaqaaqyada ka jira degaanadas
Dhanka kale culumida Puntland ayaa waxa ay horay ugu baaqeen dhamaan dadka ku lugta leh dagaalada Kalshaale in ay Eebe ka cabsadaan isla markana ay joojiyaan dagaalada ,ayna si nabad ah u xaliyaan qilaafka keenay gacanka hadalka

www.buhodlepost.com

najiib caydiid buuhoodle weyne

Fikrad Ka Dhiibo