Taariikh Nololeedkii Marxuun Axmed Jaamac Jengeli
nagoo ah Bahda shabakada warbaahinta ee buhodlepost.com Waaanu halkan tacsi uga diraynaa dhamaan shacabka reer somaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryiooday Marxuum Axmed Jaamac Jengali.. Ilaahey marxuumka Janadii ha ka waraabsho, inagana Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.. Amiin. Amiin Amiin.
Sidaan horey idiinku ballan qaadney waxaa idiin soo gudbineynaa Taariikh Nololeedkii alle ha naxariistee marxuun Axmed Jaamac Jengeli.
Yaraantiisii:
Axmed Jaamac cabdulle, wuxuu ku dhashay magaalada Cadan ee Yemen, Bishii January 1922. Wuxuu madarasada carabiga iyo Quraanka ku dhigtay Cadan, kadibna wuxuu galay dugsigii MISSION ka CADAN. Badhtamihii 1940′s. Ka dib markii marxuumku dhamaystay iskuulka ayuu waxa uu u soo wareegay waqooyiga Soomaliya.
Aqoontiisii:
Waxa loo diray Jaamacadda KHARTOUM INSTITUTE OF PUBLIC ADMINISTRATION oo ku taala dalka Sudan, wuxuuna kasoo qaatay laba sano kadib shahaadadii jaamacadda. Wuxuu kadib ku soo laabtay dalka oo uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay intii uu Isticmaarku ka talinayey gobolada Waqooyiga ee Soomaalia, xilkii ugu danbeysey ee uu u qabto isticmaarku waxa uu ahaa gudoomiyinimada degmada LASANOD.
Ubadkiisii:
Marxuum axmed ayaa ka tagay ubad badan oo ku kala nool daafaha aduunka, intooda badan ay degan yihiin waqooyiga America. Marxuumka ayaa ku geeriyoodau magaalda San Jose ee gobolka Calafornia.
Shaqooyinkii:
1947- WUXUU SHAQADA UGU HORYSA KA BILAABAY MAGAALADA HARGEYSA
1960- WUXUU NOQDAY DEPUTY GOVERNOR GOBOLLADA WAQOOYI OO MIDAYSNAA
1961/62- WUXUU NOQDAY GOVERNOR HARGEYSA
1962- WUXUU NOQDAY GOVERNOR BURCO
1963- WUXUU AADAY WAXBARASHO MANCHESTER UNIVERSITY UK
1964- WUXUU MAR KALE NOQDAY GOVERNOR BURCO
1964 -1967- WUXUU NOQDAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD
1967 -1970- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOMALIYEED EE UK FADHIYA
1970 -1975- WUXUU NOQDAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA GUDAHA
1975-1979- WUXUU NOQDAY MAAREEYAHA GUUD EE HAY’ADDII DANWAAGAHA
1979-1980- WUXUU NOQDAY XOGHAYAHA JOOGTADA AH EE XAFIISKA MADAXWEYNAHA
1980 -1982- WUXUU NOQDAY XILDHIBAAN ISLA MARKAAS XOGHAYE KA AH GUDDIGA JOOGTADA AH
1982-1984- WUXUU NOQDAY WASIIRKA DAWLADAHA HOOSE IYO HORUMARINTA REER MIYIGA
1984-1986- WUXUU NOQDAY WASIIRKA MADAXTOOYADA
1986-1988- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOMALIYEED EE JARMALKA
1988-1989- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOMALIYEED EE UK
1989-1990- WUXUU NOQDAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDD EE SOMALIYA.
Ilaahey ha naxariisto Marxuun Axmed Jaamac, Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo aamiin.
www.buhodlepost.com