|

Muqdisho oo dagaal marti u ah dhiigna lagu macsuumay

dagaal ayaa ka bilowday saaka aroortii hore,iyadoo daryanka hubka waaweyn ay gariirinayaan xaaafadaha magaalada uqdisho dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ay soo qaadeen Malayshiyada al shabaab waxaan soconaya dagaal xoogan oo aan marna wax hakad ah lahayn.

Dagaalkan oo u dhaxeeya dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo la Jaal ah Ciidamada Amisom iyo dhaqaqaaqa kooxda al shabaab waaxayna saaka isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan ayadoo la sheegayo in ay ay jirtaan in dagaalkan lagu soo qaaday fadhiisimo Cusub oo ay dowladu dhawaan la wareegtay Alhsbaab sida wasaaradii gaashaan dhiga oo saaka dagaalku ka bilowday, kooxda al shabaab oo maalinkii shalay ciidan kun askari oo tababaro usoo xidhmay soo dhoobay furimaha magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalada ay ku qaadayaan dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom.

Dagaalkan oo wali socanaya ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay iyo cida ku awood saraysa waxaana la sheegayaa in ay jiraan khasaare soo gaadhay dadka rayid ka ah,dawlada ku KMG ayaa baryahan waday olol dagaal oo ay doonaysay in ay kaga sifayso ururka Alshabaab oo haysta inta badan gobalada koonfureed ee Soomaaliya,waxaana baryahan la arkayey ciidamo aad u farabadan oo tuute gashay oo lagu daabulayo goobaha dagaalka iyo qaarka mid ah wasiirada oo gashan dirayska ciidanka dhanka kalena ururka alshabaab ayaa iayduna waday iska caabin ay kala hortagaysay Amisom iyo Dawlada, si kastaba ha ahaato waxaan la ogayn cida adkaan doonta iyadoo dawladuna doonayso inay ururka Alshabaab banaanka ugu saaraan wadanka Soomaaliya alshabaabna ay rabto in ay la wereegto guud ahaan wadan ka Soomaaliya waxaase ku duldhamaanaya dadka shacab ka ah ee koonfurta Soomaaliya./

Wixii ka soo horsha kala soco www.buhodlepost.com

By Abdirahman Ahmed Aden

Fikrad Ka Dhiibo