Gawaadhida Gaashaman Iyo Ciidamo Tira badan ayaa caawa la dhigay wadooyinka magaalada laascaanood iyadoo
lagu arkayo wadda laamiga ah Taangiyada iyo tikniko culus oo taagan hareeraha wadda laamiga ah gaar ahaan goolada magaalada laascaanood,
Mararka qaar waxaad maqlaysaa dhawaaqa rasaasta culus oo la sheegay inay ka dhacayso xaafada madareemin ee koonfurta magaalada laascaanood oo maalmahan si weyn looga sifeeyay ciidamada somaliland
Walina waxaa socda Mudaharaadkan ayaa ahaa mid si lama filaan ah ku bilaabmay kadib markii qaar ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka la baxay Somaliland ay shir qarsoodiya la yeesheen rag la sheegay inay jawaab kaafisa ka bixinayaan maamulkaas oo ku wajahan baaq nabadeed horey cuqaal iyo waxgarba u qaadaceen.
Bulsha weynta Laascaanood ku dhaqan oo warkaasi soo gaadhey ayaa waxa ay si codho ah ku dareereen halkii shirkaasi lagu qabtay oo magaaladda in doora ka go an, iyagoo tiradoodu ay aad u badan yihiin marba marka ka danbaysana ay sii xoogaysanyeen.
Ciidanka Booliska ayaa waxa ay soo weerareen dadkii banaanbaxa samaynayey iyagoo rasaas xoogleh oo gawaadhida gaashaaman wata ayay isku dayeen inay kala diraan, iyadoo dadkiina ay markaa bilaabeen inay weerar ku qaadaan halkii madaxdu ku jirtey.

