|

Qareen la soo shaqeeyay burcad-badeeda oo warbixin siiyay wargeys ka soo baxa Kenya

Wargeyska lagu magacaabo Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa waxuu sabtidii warbixin dheer ka qoray waraysi uu siiyay qareen u dhashay dalka Kenya oo lasoo shaqeenayay burcad-badeeda Soomaaliyeed mudo dheer. Warbixintan oo ku qornayd afar bog ayaa si guud ahaaneed oga hadlaysay lacagta sharci darada ku soo gasha dalka Kiinya halka ay si gaar ahaaneed oga hadlaysa burcad-badeeda oo ay ku tilmaantay in dhaqaalahooda badankiis uu ku jiro dalka Kiinya qaasatan caasimadda Nairobi.
Wariyahan warbixinta soo gudbiyay ayaa lagu magacaabo Dann Okoth wuxuuna u dhashay dalka Kenya. Dann waxaa u suura gashay in uu wareysto qareenkan oo ka gaabsaday in uu magaciisa baxsho sababo la xiriira amaankiisa awgeed. Qareenka ayaa ku sugnaa hoteelka uu ka dagan yahay Nairobi oo ku yaala faras magaalaha Caasimadda ee loo yaqaan Down Town halkaas oo ku soo dhaweeyay wariyaha.
Okoth oo ka waramaya kulanka uu la yeeshay qareenka ayaa ku bilaabay hadalkiisa sidatan:
“Waxay ahayd goor qoraxdu sii dhacaysay, wadooyinka Down Townka oo dhamina ay la ifayeen kumanaanka kun oo nalalka waa weyn ah ee ku taxan hareeraha wadada. Waxan marayay wadada Moi Avenue halkaas oo aan u leexday dhanka hoteelkii aan ku socday oo ka sameysnaa guri xajmi iyo xoog intaba leh kaas oo kaga yaalay dhinaca bidix wadada caanka ku ah baararka caweyskinka habeynkii ee Kirinyaga Road.
“Markii aan gudaha u galay dhismaha hoteelka ayaa waxaa aniga dhan I qaaday walaac iyo xiiso isla socda. Badanaa markii aad la kulmaysid qof kuu haya wax leh balan qaadka sheeko weyn taas oo noqon doonto mid qaranka oo dhami uu ku indho furo, waxaa inta badan la kulantaa farxad iyo xiiso gaar ah ood u heyso in aad soo gudbiso sheekadaada balse tan waa ay ka duwaneed waxa niyada ii ga jiray markii aan gaaray dabaqa labaad ee hoteelka. Ma aanan ahayn mid ku sugan xaalad caadi ah markii aan agmarayay bararka ku yaalay hoteelka gudihiisa iyo qooladaha yar yar ah oo ay dad hor taagan yihiin, ugu danbeyntii waxaan hor istaagay albaab geeska bidix u xiga dabaqa labaad ee aan tagay halkaas oo karbeed uu ku fidsanaa albaabka hortiisa.
“Waxaa albaabka iga furay nin qaba dhar kaaki ah oo igu amray in aan kabaha bixiyo, iskana wareejiyo waxii qalab elektaroonic ah oo aan si tay halkaas oo ugu danbeyntii uu igu baaray kadibna la ii siiyay fasax in aan hore u galo qolka uu ku sugnaa qareenka aan la kulmi doono. Intii aan gudaha u galin qolka ayuu ninkani ii sheegay warbixinta uu qareenkani i siin doono in ay tahay mid xasaasi ah, gudaheedana uu ka buuxo sir badan oo uu hayo qareenkaan balse loo baahan yahay in aadan wax dhibaata u keeni karaa qareenka aadan la imaan.
“Waxaa la yaab igu noqotay markii aan gudaha u galay qolka ayaan waxaa indhaheygu qabteen hal sariir oo kaliya taas oo taalay meel gees ka ah qolka una dhoweyd dariishad halkaas oo uu jiifay qareenka. Waxuu hadalkiisa igu furay ‘Waxa aan matalayay burcad badeeda ka howl gesha badweynta geeska Africa aniga oo shaqadeydu ahayd in aan la yeesho qolooyinka bixinaya madax furashada wada xaajood sidii ay ku bixin la haayeen lacagtaas gaaraysa malyuumaad doolar iyo in ay lacagtaasi si toos ah u gaarto burcad badeeda.’
“Markii uu intaas ii sheegay ayaa waxaan isa su’aalay waxa keeni karaa in qareen sidaas u taajirsan, kuna jira howlaha sidaas halista u ah ay u suurto gali karto in uu la kulmo saxafi uusan hubin wax uu yahay isaga oo waliba sii naya warbixin leh ahmiyad qaran. Waxa aan dareemay in uu ku sugan yahan ganacsi halis maxaa yeelay wajigiisa oo dhami waxaa ka muuqatay baqdin aan la qiyaasi karin. Waxuu ii sheegay in uu diyaar u yahay in uu faah faahiyo sida uu ula shaqeysto burcad badeeda iyo sida uu ugu suuro galiyo in ay helaan lacago badan oo sharci daro ah. Isaga oo ii raaciyay in uu diyaar u yahay in uu la qeybsado shacbi weynaha Kenya waxa uu ka ogyahay burcad-badeeda Soomaaliyeed. Markaas ayaan ogaaday in uu warbixintan u soo gudbinayo baqdin uu qabo awgeed taas oo leh halis ku imaan karta nafsadiisa.
“Dhanka kale, dhamaan lacagaha lagu keenay howlaha sharci daraha ah sida lacagta burcad-badeeda ayaa iyagu ah kuwa ku soo laabta dhaqaalaha dalka halka ay ka seexdeen wakiilada masuulka ka ah una qaabilsan baaritaanka, dabagalka, qabashada, iyo la socodka lacagahan sharci darahada. Bishi lixaad ee sanadki hore ayay ahayd markii la aasaasay waaxda ka hortaga lacagaha sharci dara ku soo gala dhaqaalaha Kenya. Iyada oo waaxdani ay gabtay howsheedi ayaa waxaa ay u suuro galaysa cid kasta oo dakhli ka soo galo danbiyada ay sameeyaan in ay soo galiyaan lacago sharci daro ah gudaha dalka Kiinya.
“Lacagahan sharci daradaha ku soo gala dalka ayaa waxaa inta badan adeegsada falaagooyinka ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya ka dagaalama ee Al-Shabaab kuwaas oo ku iibsada saanado hub ah si ay u sii huriyaan dagaalada ka jira Mogadishu, sido kale waxa ay carqalad ku yihiin amaanka caalamka oo idil iyaga oo fulinaya howlo argagaxisinimo.
“Si kasta oo ay ahaato, qareenka iyo asxaabta isaga la mid ka ah ayaa waxa ay yihiin kuwa doorkooda ka soo baxay iyaga oo adeegsanaya sharciga iyo qaanuunka dalka ka jira si ay uga bad badaan waxii danbi ah oo ku imaankara xirfadooda iyo shaqsi ahaantooda. Qareenka oo arintan ka muujinaya fikradiisa ayaa yiri ‘ Xaqiiqatan, hadii aad ogtahay howsha aad faraha kula jirtaa, waa in aad sidoo kale ka taxadartaa sidii aan sharciga laguu soo taagi laheyn. Waxaan ognahay in sharciga uu shalay yimid, laakiin hadii aad garanaysid sida loola ciyaaro, la isagana difaaco in uu ka soo horjeesto, inta badan adiga ayaa ka guulaysanaya.’
“Dhowaan ayay ahayd markii markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Canada kaas oo howlo amaan sugid ah ugu sugan biyaha geeska Africa uu 28kii December caawiyay markab laga leeyahay Singapore kaas oo ay burcad-badeedu heysatay 10 asbuuc iyaga oo qafaashay 15kii bisha Octobar. Burcad badeeda ayaa sheegtay in ay sii daayeen markabka iyo 21 qof oo saarneed kadib markii ay la wareegeen madax furasho gaaraysa 4 Milyan oo doolar taas u dhiganta 320 Milyan oo shilinka Kiinya ah.
“Qareenka oo sheegay in uu isagu ahaa ninkii dhex dhexaadiyay markabkaas Singapore laga leeyahay iyo burcad-badeeda ayaa sheegay in uu sidoo kale caawiyay markab Korean ah oo laga qabtay biyaha badweynta India. Todobo markab ayaa laga qabsatay Koonfurta Korea ilaa bishii April 2006 iyada oo arintani keentay in safaarada Korea ee ku taala Kenya ay samayso xoogag ciidamada bada ah oo ka howlgala badweynta India si ay oga hortagaan burcad badeeda qafaalanaysa maraakiibtooda.
“Qareenka ayaa ii xaqiijiyay in uu jeebka ku shubay lacag dhan $800,000 taas o u dhiganta 64 milyan oo lacagta Kiinya ah iyada oo burcad badeedu ka qaateen labada markaba 780 milyan oo doolar.
“Cadeymaha uu bixinayo qareenkan ayaa ah kuwa aad u qaraar marka la eego in howlahan oo ah kuwo halis ah ay faraha kula jiraan qareenada dalka, wakiilada dowlada Kiinya sida kuwa bangiga dhexe ee dowlada oo qeyb ka ah gudbinta lacagaha ku socda burcad badeeda, booliiska Kiinya, garsoorayaasha maxkamadaha, waaxyaha dowlaha qalaad ee ku sugan dalka Kiinya, iyo danbiilayaasha caalamiga ah ee ku howl jira arimaha.
“Qareenka oo ka waamayay sida ay lacagana sharci daraha ahi ku soo galaan bangiyada Kiinya ayaa ii sheegay in isaga oo ku howljira isku xirka burcad-badeeda iyo shirkad ay markab ka qafaasheen uu isagu ka furtay akoon bangiyada Kenya iyada oo lacagta madax furashada ay shirkadaasi bixinaysay lagu soo diray akoonkaas, waa uu ka gaabsaday in uu magacaabo shirkadaas uu akoonka ugu furay magaciisa kadibna lacagta lagu soo diray si ay u gaarto burcad-badeeda.
“Laakiin su’aasha waxay tahay miyaysan ahayn in bangiga dhexe ee dowladu daba gasho meesha ay lacagta sidaas u tira badani ka timid iyo iyada oo waliba ay ku soo dhacday akoon cusub oo hada la furay. Xukuumadu waxay leedahay wakiil u qaabilsan in uu daba galo dhaq dhaqaaqa lacagaha tirada badan oo sida isdaba joog ahi ugu soo dhaco akoonada cusub taas oo ay muhiim tahay in la baaro meesha ay lacagta ka timid hadii akoon cusub ay ku soo dhacdo lacag tiradeedu badan tahay misana laga shaki qabo in ay la xiriirto howlo sharci daro ah amaba danbi la galay.
“Si kasta oo ay ahaato, qareen kale oo kusoo gaabiyay magaciisa Gideon ayaa ii sheegay in ay jiraan siyaabo badan oo ay kaga hortagaan sidii dowladu baaritaan ugu sameyn lahayd akoonada ay iyagu masuulka ka yihiin oo inta badan ay u furaan macaamiishooda kuwaas oo qaarkood ku howl jiri howlo sharci daro ah. Gideon waxuu sheegay in qareenada cod kar ka ahi ay maxkamada ka soo goostaan amar ka dhan ah bangiga dhexe ee dowladu kaas ku amraya in aysan baaritaan ku sameyn karin akoonadooda halkaas oo ay kaga badbaadaan in xukuumadu soo afaaro gashato howlahooda qarsoon.
“Gideon waxuu intaas raacshay in ay jiraan akoono badan oo ku furan magacyo aan cid lihi aysan jirin iyaga oo inta badan ujeedadooda laga dhigo in ay yihiin maal galinta ganacsiyo cusub sida iibsiga iyo dhisida guryaha. Waxaa qareenadu ku dadaalaan in ay si fiican oga shaqeeyaan sidii looga hor tagi lahaa wax kastaa oo shaki dhalin karo, waxaa ay la shaqeeyaan wakiilo badan oo ka howl gala bangiyada ay akoonadu oga furan yihiin si ay wado ugu helaan socod siinta lacagta sharci darada ah ee ay masuulka oga yihiin macaamiishooda.
“Sida qareenku ii sheegay, markii lacagtani soo gaarto akoonada ka furan Kiinya ayaa waxaa lagu xawilaa bangiyo kale oo ka furan Dubai iyo Libya halkaas oo hadana ay dib oga soo laabtaan kuna soo noqdaan bangiyada Kiinya. Shirkad matalaysa in ay tahay mid maalgalineed oo ka diiwaan gashan Dubai ayaa deymisa lacag farabadan ganacsiyo iyo shirkado ka diiwaan gashan Kiinya. Runta ayaa waxay tahay shirkadahan iyo ganacsiyadan ka diiwaan gashan Kenya ayaa ah kuwa u shaqeeya burcad badeeda iyaga oo si xeeladaysan ugu gudbinaya lacagta madax furashada ee burcad badeeda ku socota.
“Siyaabaha kale ee lacagtu ku gaarto burcad-badeeda ayaa waxaa ka mid ah in urur deeq bixiyayaal ah (Charity Organisation) oo ka diiwaan gashan Libya ay ku soo dhacdo lacagaha ku wajahan burcad-badeeda kadibna ay halkaas ka soo diraan iyaga oo ku aadinaya ururo kale oo deeq bixiyayaal ah oo ka diiwaan gashan Kenya halkaas oo si toos ahi loo gaarsiiyo lacagahan burcad-badeeda.
“Qaabka sadexaad ee burcad badeedu ku hesho madax furashadooda ayaa ah midka ugu yaabka badan. Lacagta oo mid adag ah (Hard Cash) yacni iyada oo ku jirta suut kees ayaa waxaa si toos ah u soo qaadaya qof lagu aaminay kaas oo ay kooxa badani kor ka waardiyeenayaan. Qareenka oo sharaxaya arintan ayaa yiri, ‘howsha ugu adag ee gudbinta lacagtan waa mida inta qof loo dhiibo uu hadba dal kula safro ilaa uu gaaro xeebta Soomaaliya maxaa yeelay waa in la helaa wakiilo amaankiisa suga sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in booliiska la adeegsado.
“’Iyada oo si buuxda kor oga ilaalinayaan booliiska Kenya oo ay wehliyaan waaxda canshuurta dalka ayaa ninka lacagta sidaa uu ka soo dagaa garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata Airport isaga oo la socda diyaarad laga leeyahay Imaaraatka, waxaa uu gacantiisa ku sidaa suut kees ay ku jirto lacag kaash ah oo ka badan 270 milyan oo doolar (taas oo u dhiganta 22 bilyan oo shilinga kenya ah), waxaa lagu soo qaadaa baabuur booliis halkaas oo la keeno xaafada ay soomaalida ka dagtaa Niarobi ee Islii. Intaas ka dib ayaa niman Islii joogaa waxa ay xaqiijiyaan lacagta ku jirta suut keesta kadibna waxaa loo sii sagootiyaa garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport kaas oo inta badan qaadka laga dhoofiyo halkaas oo uu ugu duulo magaalada xeebta ah ee Malindi taas oo ah meesha lacagta loogu wareejinayo burcad badeeda.

Hemmingways Hotel, Malindi
“Qareenka ayaa subaxa danbe u duulo Malindi isaga oo gaaraya Malindi saacadu markay tahay 8.30AM subaxnimo halkaas oo uu ku leeyahay mid ka mid ah hoteelada waa weyn ee dalxiiska quraac cajiib ah kahor inta uusan qaadan waxii uu lacag ku leeyahay burcad- badeeda.
“Warbixin ka soo baxday booliiska ayaa sheegtay in lacagaha gacanta lagu sidaa aysan u baahneen in ay maraan bangiyo balse ay si toos ah u galaan dhaqaalaha dalka.
“Qareenka ayaa yiri, ‘Inta badan marki aan ku howl jiro howlahan, waxaan kula kulmaa magaalada dad iyagu jeebabka ku wata lacag gaaraysa 5 milyan oo lacagta Kenya ah (taas oo u dhiganta $62,500), waxaase la yaableh marka la baaro guryaha ku yaala xaafadaha Islii iyo Runda ee Nairobi, kuwaas oo dad badani ay guryaha ku haystaan in kabadan 10 million oo shilling Keenya ah, laakiin hadii laga argagaxayo tira badnida lacagahan, waxaa ka sii daran ilaha ay ka soo burqanayaan lacagahan.’
“Waxaa sahla socodka lacagaha sharci darada ah goobaha aan diiwaan gashneen ee lacagaha qalaad lagu sarifaa, adeega taleefanada gacanta ee isdhaafsiga lacagaha iyo sidoo kale wakaaladaha xawilaada lacagaha. Wakaalada sarifka lacagaha ee Nairobi iyo kuwa xeebaha sida Mombasa ayaa waxaa hareereeyay ajaanib aan dowladu ogeyn warbixintooda iyo howlahooda.
“Qareenka oo ka hadlaya arintaan ayaa yiri, ‘waxaa inta badan iska caadi ah in wakaaladahani ay maalin kastaa sarifaan malaayuun doolar ah halka bangiyada lacagahani ka soo baxayaan aysan wax shaki ahi galin lacagta intaa le’eg ee hal mar lala soo baxayo. Laakiin waxaa iyada iska cad in wakaaladaha xawilaada lacagaha iyo kuwa sarifkuba ay gacan wayn ka geystaan isku socodka lacagaha sharci darada ah ee maalin walbaa soo gala dhaqaalaha dalka.”
Warbixintan oo qoto dheereed ayaa wariyuhu waxuu ku soo afjaray, “Qodobka ugu yaabka badan oo uu ii sheegay qareenkan ayaa ah in ay wada shaqeyn ka dhaxeyso masuuliyiin ka mid ah xukuumada Kenya, waaxyaha maaliyada ee dalka iyo kuwa iyagu soo galinayo dalka lacaha sharci darada ah oo saameyn weyn ku leh guud ahaan dhaqaalaha dalka.”
=================================================
FG: La soco maqaaladeena danbe oon ku soo qaadan doono sida lacagta burcad badeedu qeyb oga tahay dhaqaalaha Kenya.
Xafiiska Wararka Nairobi

Fikrad Ka Dhiibo