Xarakada Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fuliyay Labo Ruux oo uu ka mid ah ahaa sargaal caan ah oo ka
Buhodlepost.com
Xarakada Al-Shabaab ayaa galabta xukun dil ah ku fuliyay labo ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada KMg Soomaaliya.
Xukunkaan dilka ayaa waxa uu ka dhacay fagaaraha ku yaala deegaanka suuqa xoolaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Goobta uu kuxunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u badan iyo saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Laba ruux oo ay toogteen xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa ku jiray nin lagu magacaabo C/naasir Jabaan oo can ka ahaa degmada dherkenlay ee magaalada Muqdisho isla markaana ka mid ahaa saraakiisha dowlada KMg Soomaaliya ka hor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab.
Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in labadaan ruux ay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya isla markaan ay ku sugnaayeen goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowlada KMG Soomaaliya oo ku aadan xukunka ay Al-Shabaab ay ku fuliyeen labadaan ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsaayeen dowlada KMG Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horay oo ay Al-Shabaab xukun dil ah ay ku fuliyaan dad ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin dowlada KMG Soomaaliya amababa ay la shaqaynayeen.
www.buhodlepost.com

