|

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada taabacsan SSC ee ka amar qaata Wasiirkii hore uga tirsanaan jirey maamulka Puntland, Axmed Karaash.

yo kuwa maamulka Somaliland ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sida ay wararku sheegaayan dagaalka ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Ganbadhi oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Laascaanood,waxaana uu socday mudo dhowr saacadood dagaalkaasi.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Somaliland ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ay khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidamadaas isla markaana dib u riixeen,waa siduu sheegtay.wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ay qabteen maxaabiis.

Xirrir aanu la sameynay masuuliyinta maamulka Puntland iyo aagga daalku ka dhacay ayaa dhamaantood ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkan maanta, iyagoo sheegay in saacadaha soo socda la hadli doonaan Saxaafada oo dagaalka ka warbixin doonaan.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan maanta dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaan weli la ogeyn.

Dhowaan ayay ahayd markii Ciidamoada Axmed Kraash iyo kuwo ka tirsan Puntland ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka bilaabeen inta u dhaxeysa Laascaanood iyo magaalada Garoowe.

Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ku eedeyey maamulka Somaliland in colaad ka hurinayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

wixi warar kala soco isha wararka
sugan www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo