|

Manchester United oo mar kale lagu tuntay

kooxda ugu faca weyn horyaalka dalka Ingiriiska ee Liverpool ayaa 3-1 ugu awood sheegtay Manchester United,kadib markii ay ku marti gelisay garoonka Anfield.

Dirk Kuyt ayaa Seddexda gool u wada saxiixay kooxdiisa Liverpool, iyadoo goolka qura ay keensatay Man. Utd uu u dhaliyey J.Hernandez, dhamaadkii cayaarta marki ay mareysay sagaashan daqiiqo.

Kooxda heysata hogaanka horyaalka ee Manchester United ayaa guul daradani waxay u tahay tii labaad oo si isku xigga looga badiyo,iyadoo lagaran la,yahay istaaga ku yimid tareenka Man.Utd.

Xagga kubad heysashada labada dhinac waxaa ku sareysay kooxda Liverpool oo iyadu qabsatay qadka dhexe,waxaana ay cayaaryahanada Liverpool soo bandhigeen cayaar halaasi ah.

Sidoo kale guul darradan waxay fursad wanaagsan siineysaa kooxda Arsenal,inkastoo aysan Arsenal ka faa’iideysan inta badan fursadaha qaaliga ah.

Ninka sheegtay dhawaan inuu yahay hogaamiyaha kooxda Manchester United Nani, ayaa garoonka dhaawac intuu la, egyahay aan la garaneyn ka soo gaaray, iyadoo laga war sugayo dhaqaatiirta caafimaadka ee kooxda Manchester oo sheegi doono waqtiga uu qaadan doono dhaawiciisa.

Taageerayaasha Manchester United ayaa si weyn u tabay daafacyadooda, Ferdinand oo ku maqan dhaawac garoomada ka soo gaaray iyo Vidic oo ganaax uga maqan garoomada kadib cayaartii Chelsea oo lasiiyey calaamadda Cas ama Rooso.

Fikrad Ka Dhiibo