|

Maqaal…Shirka london anigu kuma sheegayee ficilkaagu yuusan kusheegin

mahad illaahay baa leh naxariis iyo nabad galyana nabigeenii suubanaa korkiisa ahaato
dadweynaha kasoo jeeda Gobolada Sool Sanaag Cayn waxaan doonaynayaa inay fahman waliba wax badan u fiirsadan ficilada kooxdii Baligubadle 1989 la midoobay Jabhadii SNM inay maalinba qorshe cusub soo dajinayaan soona gashanaya hadba shaadh ka ay ku hirgalin karaan hadafkoodii ahaa in Dhulbahante la midoobo Jabhada SNM ee ay amiirada kayahiin beelaha Isaaq si iyaguna ay u noqdeen kuwa u adeega amiirada Reer shiikh Isaxaaq hadaba waxba yaanan ku dheeraan shirqooladii is daba socday ilaa Baligubadle iyo Burco Borama iyo burburintii shirkii Boocame ee Dhulbahante yeeshay waxaan filayaa inay dharaar cad ahayd ragii shirqoolada hogaanka u hayeyna waatii lagu bogaadiyey ee la yidhi hadaan shirka lala galin SNM Laascaanood guryaha Jiingada ka Fujisan layd .SNM
si kastaba ha ahaatee waxaan rabaa inaan in yar ka iftiimiyo shirqooladii is daba socday ila 2003 markii lagu soo casuumay in ciidamada SNM ay soo galaan Gobalka Sool iyo ilaa manta oo London shir laga qaban qaabinayo shirqooladaas oo ay jilayaan kooxdii Baligubadle ayaa maalinba magac gooni ah loo samaynayaa si loo fuliyo in beesha dhulbahante taariikhdeeda loo iibsado hada iyo Burburintii talada 20 sano ka hor ee Boocame badbaadi (1)iyo ka qaybgalkii shirkii SNM ee Baligubadle iyo ka qayb galkii shirkii SNM ay ku dhawaaqday gooni istaaga ee Burco iyo kii dhidibada loogu taagayey maamulka Isaaq ee boorame taas oo ah sedexdii goobood ee hadimada dhulbahante Baligubadle,Burco iyo Boorame (BBB) sanadkii 2003 ciidamadii SNM ayaA soo galay Sool waxana si hagar la’aan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Yagoori, Gumays iyo Tuulo samakab ilaa Adhi cadeeye iyo koontarool Laascaanood ciidamadii SNM waxa si daban iyo si cadba u horboodayey kooxdii Baligubadle iyo xubno iyo u adeegayey oo an lahayn aqoon iyo aragti dheer oo ay ku fahmaan shirqoolkan soo jireenka ah ee dhulbahante lagu fashilinayo.

Kooxda ka qayb galayaasha (BBB) waxay maalinba geed soo fadhiistan waxay bulshada Reer Sool hadba gees ka maraanba waxay shacabka iyo maamulkii Puntland iska horkeenaanba waxay jawaano lacag ah lasoo gureeyaanba, waxay ku guulaaysteen inay beel beel iskaga horkeenaan bulshadii Reer Sool iyagoo cadow isaga dhigay dadkii wada dhashay ee ku midoobay maamul goboleedka Puntland waxayna dab sudheen dadkii Reer guraaga ahaa ee dariska ahaa taasi waxay cadayn u tahay sida
ay kooxdani (BBB) si loo hirgaliyo colaad qabiil oo laga dhex beero beelaha Harti ujeedka lagahaana waxay ahayd in aan Laascano werar lagu qabsan Karin inta cududa iyo ciidanka harti midaysan yahay si taasi loo suro galiyo waxaala adeeg saday xeelado badan waxa dagaal laga huriyey maygaag iyo cagaare
waxaana lagu baahiyey shabakadaha u taba baran inay fidiyaan hadba boro bagandada ay rabaan kooxda hungada oo burburintii dhulbahante ugu dalacday burburinta Hartiga, waxay shabakadahooda ku soo qoreen dagaalka Cagaare wuxuu u dhexeeyaa ciidamada Puntalnd iyo beel Reer sool ah oo degen deegaankaas anigu cagahayga ayaan isu tagay Qorilay si aan u helo xaqiiqda dhabta ah ee meesha lagu dagalamayey waxay ahaayeen laba belood oo walaalo ah laakiinse munaafaqiin dabka isugu dhiibeen waxaana ugu yaabka badnayd waxay ahayd in labada beelood mid waliba garoowsan tahay inanay garanayn shaydaanka ku dhex jiraa shaadhka uu gashan yahay hadaba markii kooxdii (BBB)ku guulaysatay dagalkii in loo rogo hab qabiil waxa war bixin buuxda oo dhamays tiran la geeyey gurigii moorgan

ee Hargaysa waxa sifiican loo faahfaahiyey shaqadii fiicnayd ee qaranka Reer shiikh Isixaaq loo soo qabtay waxaana lays la amba qaaday sidii loosii dhamays tiri lahaa qorshahii gacan galinta Laascaanood oo waqtigaa marayey meel gabo gabo ah waxaana sifiican dhabarka looga soo taabtay xubno farabadan oo isugu jira saraakiil ciidaan iyo labada gole ee aqalada SNM iyo wasiiro faradan oo loo soo diray magaalada laascaanood
waxaana saldhig u noqday Hotelkii Dhib Hawd Dayran loo bixiyey waxaanse filayaa in magaca laga sinaystay ee oo aha magaca Hotelku dhagar Dhulbahante oo Harti waxaa aamaankiisa sugayey maleeshiyo beeleed laga soo ururshay suuqa laascanood iyo tulooyinka ku hareeaysan oo aad u tiro badan kana amar qaata kooxdii Bali gubadle dhanka suuqa weyn ee laascaanood iyo inta badan magalada waxa ku sugan ciidamadii daraawiishta Puntaland waxana soo food saartay ciidankii PL laba daran miduun dooro in ay weraraan ciidan beleedka cadowga u adeegaya iyo inay sugan inta laysku qabsanayo gudaha magalada laascanood ileen ciidan fadhiya Xaafada Madareemin waxay ku sugayaan saaxiibadooda oo jooga Adhicadeyee waxaan filayaa taasi uma baahna faahfaahin dharaad ah oo dhulbahante waa wada ogaa wixii ka dhacay Gobolka sool

sanadihii cadowgu dulfadhiyey 2003 ilaa 2007 hadba kooxdii (BBB) waxaa gacanta u gaashay guushii ay inta badan ku tamayeen ee ahayd in maalin malmaha kamida laascaanood noqoto meel ay ka arimiyaan saaxiibadood SNM iyo amiiradii Isaaq waana loo mahad caliyey shaqada wanaagsan ay u soo qabteen qaranka Reer Sheekh Isxaaq waxaana maalintaa kooxdii lasiiyey dardaarankii ugu danbeeyey ee ahaa hadaba waxad ku guulaysateen inaad laascanood sifudud oo xeeladaysan gacanta SNM usoo galisaane waxaa idiinka hadhay in aad heshaan kursiga labaad ee maamulka SNM in yar waxayna ku xidhantahay sadex aromood oo aad fulisaan
(1) dhulbahante iyo majeertaan inaad isku dirtaan si loo burbursho Puntland wado kasta oo aad martaanba.
(2) ururka NSUM oo ah urur ay ku midoobeen aqoon yahanada beesha dhulbahante oo ka dhiidhiyey siyaasad xumada iyo jaah wareerka ku habsaday SSC aad iyagana sharafta ka xayuubisaan dadkana ka horjeentaan si sumcadoodu u lunto.

(3) inaad keentaan qorshihii lagu burburin lahaa xoogaga isku duban ee ka jira Gobolka Cayn iyo dhulbahante Reer hawd
si loo hirgaliyo qorshahaas , waayo meel isku duubni iyo talo ka jirto waxaa laga fahmayaa qolyahan SNM u shaqeeya ee hadba shaadhka soo gashada oo lagu tilmaami karo shaydaan maryoole.
Shirkii Nayroobi waxaa abaabulay ururkii NSUM iyo jaaliyada dhulbahante shirkasoo looga gol lahaa sidii loo wajihi lahaa dhibadata guud ee ku habsatay guud ahaan dhulbahante gaar ahaana arinta Gobolka Sool shirka waxa shidhka u galay oo Isteerinka u qabtay kooxdii (BBB) oo gashan shaadh cusub dhaxalkii shirkana wuxuu noqday magacyada Hogaanka guud iyo Garaadka guud intaa kadib waxa gogol la dhigay Holhol iyo Buuro wadal gogashaas oo uu Garaad jamac Garad ismaciil dhigay laakiin garaad jamaac wuxuu markii dambe u xuubsiibtay daba ka fuulka kooxda (BBB) waxaana shirkaa looga golahaa in laysu keeno Issimada gudaha iyo isimadii Kenya joogay lana mideeyo mowqafka beesha si loo wajaho xaladaha adag ee horyaala SSC shirka wixii lagu heshiiyey wala ogaa waxana lagu heshiiyey in la dhiso gole Khusuusi ah oo kakooban 21 xubnood lagana soo dhex doorto beelaha Dhulbahante khusuusida waxaa lagu tala galay in lagu soo xulo xeer hoosaad,laguna soo xulo shuruudo loo asteeyey si loo helo dadkii beesha u matali lahaa nidaamka Siyaasada iyo isku duba ridka safaynta Gobalka Sool,islamarkaana ay nqodaan xubnahaa khusuusida ay noqdaan kuwa awooda u leh in ay ansixiyaan Hogaankii Nayroobi ama ay meesha ka saaraan.
Halka markay marayso oo lagu jira mudadii 10 casho ahayd ee lagu soo xulayey ayaa waxaa ka shakiyey qaabka wax n u socdaan kooxdii lugooyo ee Nairobi ama Baligubadle Burco iyo Boorame oo markaa shidhka ugu jira shirka Burowadal iyagoo iska keenaya ilmada yaxaaska oo leh dhulban xoraynaynaa illahaybase xaalkooda ogyahay,illahayow nin iyo
calooshii waxayna ku balameen in shirkan la burburiyo lagana faa’iidaysto maalmaha shirku fasaxa ku jiro, waxaana dibada laga soo diray lacag gaaraysa 25kun oo dollar lacagta waxa lagu soo diray xawaladaha laascaanood waxaana guure ku keenay
Buurowadal niman dhalin yaro ah oo kashaqeeya xawaaladaha waxaa loo adeegsaday furfur iyo khayaamo qaran iyo sidii loo marin habaabin lahaa shirkaa iyo talada gudoonkii beesha waxaana $2000 dollar hoosta loo gashay shaqsiyad saamayn ku lahaa shirka waliba Issimo ku jireen , waxana lakeenay goobtii shirka xubno loogu yeeray khusuusi oo laga soo ururiyey magalooyinka SSC xubnaha waxa shuruud looga dhigay inaanu ku jirin qof magaciisa qori karaa iyo mid akhriyi kara toona islamarkaana ka soo horjeesan kara Nidaamka kooxda lugooyo waayo qofka aan aqoon lahayn waxaa loogu sheekayn karaa khuraafaad wayna u fududahay in la yiraahdo Dameero ayaa waylo dhalay maalinta waxa Ceel dheer ku dhacday midnimo iyo xorayntii Sool qofkii xishoonayeyna waa ka haajiray madashii shirka waxaa isugu soo haray Burowadal kooxdii shirqoolka wadatay iyo dhangaagaale yashii dul joogay aan ogayn meesha loo socdo iyo waxa loo socdo midna.
Dharkayn ayaa losoo guuray waxa halka isugu yimi inta badan xubnihii kooxdii lugooyo oo ay kala hogaamianyan labada Guud waxaana lays gudoonsiiyey Hanbalyo guushii burburintii shirkii Dhulbahante waxaana lagu balamay Buuhoodle iyo burburkiisa in loo qalab qaato waxaa xidhiidh lala soo sameeyey dumar iyo dhalinyaro badan oo jaad lasiiyey shaqsiyad Reer Buuhoodle ah si loo abaabulo caruur iyo dumar si ay durbaanka u tumaan caleemana u ruxaan waxaa maalinta xawalada Al Mustaqbal iyo Amal lasoo dhigay lacag garaysa $6000 dollar si loo fuliyo soo dhawaynta iyo durbaan garaca waxaana soo garay Buuhoodle kooxdii Lugooyo oo sheeganaysa dawlad madax banaan waxaa arintaa u riyaaqay oo la qool jeexay dad badan oo wax ma garato ah wixii Buuhoodle ka dhacay kuma soo koobi karo qoraal laakiinse wixii ugu yab badna rag galina sheegayanaya dawlad galina hogaan jagooyin an hore loo maqal sida wasiirka dayaxa iyo xidigaha (2) wasiir arim dibaded
Wax qabadkii ugu horeeyeyna wuxuu aha qabashadii widhwidh
Wixii Buuhoodle ka dhacay tariikhdaa qori doonta hadba waxaa maanta illaahay mahadii ah in kooxdii shirqoolda Dhulbahante iyo hagardamaynta u xilsaarnayd ee ilmada yaxaaska iska keenaysay iyo shacabkii durbanada sitay ee soo jooga laga kari waayey inay is arkeen isuna badheedheen mar hadii Janankii madoobaa kursigiisii ka dhex arkay Hargaysa iyo siilanyo agtiisa shirka hada laga wado (London UK) iyo xubnaha lugooyo ee wadaba waxaan leenahay nabar aad og tahay kama naxdide waayo wabad ogayde

intaan idin ogayn ee laga fadhiisan waayey iyo qurba joogtii aad quraafaadka ka buuxi seen iyo shacabk aad hantidoodii dhacdeen ee aad ku khayamayseen xoraynta Sool
Way idin la xisaabtami doonan hadaanay ahayn dad meel loo wato waayo Reerkan waxad moodaa in Tiif ku dhacay oo ay kusii hoobanayan haadaan , kaad ka jog dhahdaana adiga daalac ku racayo dadku way xisaabtamaan, waxbay is waydiiyaan xagee laynagahaysta bay dhahaan illahay ayadkiisa quraanka ah baa waxaa ka buuxa su ‘aalo ah war wixii tagay miyeydan wax ku qadanayn war waxa soo socda miyaan la ogayn waxa socda.

By Isse Ahmed Mohamed
Email buhodlenews@hotmail.com

5 Responses for “Maqaal…Shirka london anigu kuma sheegayee ficilkaagu yuusan kusheegin”

  1. Eng. Amed Mohamoud Handulle says:

    ASC. Ciddii khiyaano wada ma guulaysato, shirkii la rabay in lala dhuunto lala dhuuman kariwaa waana fashilmay. Sir ma qabe ALLA u sahan ah.
    Dhaqanka fiican laguma hungoobo.

  2. magan says:

    asc walal waxan aad kaga mahad celinayaa sida xalalsha ah ee aad ula socoto arimaha dhulbahante waliba adoo nin dhalin yaro ah illahay haku dayo walal waxa fiicnan lahayd ddku inay sidaa wax u ogyahiin waxa laga yaba inad waqti badan ku bixisay ariamahn sidad ku ogaan lahayd waxad tahay hogaan iyo madax nin laga dhigto waayo sida adan runta uga baydhayn ban arkaa hoogamiyana wa kii ruun sheege

  3. gold boy says:

    war yarkan ina axmed soofe waa mid meel loo wato mucaaradnimo iyo
    munaafaqnimo aan rerkooda lagu aqoon ayuu leeyahay wale kan wa lagu soo dhex qarshay rer soofe
    waayo hore looma arag qof rerkaa ah oo dadka magayee siyaasadana rerka wa ka fogaa baryahanse
    waxad mooda in wiilal yaryar walayan war nin yahow dhibta tolkaa iska daa ilaa hooganka maalintii la dhisay waxad geed dheer iyo mid gabanba u fuushay cayda hoganka iyo sscwan ku aqan 20 magac ayad malainba mid lasoo baxdaa oo dadka kucaydaa

  4. ta kale gold boy somaliga baro reer waa in laga helaa wax walba waxaana tahay ilma yar oo lasoo qalday iska ifi meesha waxyahaow

  5. asc ugu horay ciise halyey madaale ah ruug cadaa wuxuu yiri nin haduu gardaran yahay gogoshiisa kuma ladoo weligiina guul maleh
    geesiga darwiishkuna geeri kama cabsoodaan

    dabcan markaa waxaa arin xun ah in qatar ku soo wajahan dadkaaga iyo dhulkaaga oo aad ogtahay in aadan usheegin oo aad iskala aamustid
    waxaa sharaf iskaleh mujaahid ciise axmed garaad oo u dhuundaloola arimaha qiyaanada ah ee ay wadaan NG’S nairobi group

    WAANA MAHADSANTIHIIN SHAQAALAHA BUHODLEPOST

Fikrad Ka Dhiibo