Film cusub ee sunta lagu daadiyay Soomaaliya
Film cusub oo documentary ah oo la yiraa Sunta Soomaaliya ayaa daba gal ku sameeyay ganacsigaas suuqa madow,
Badal sida aan kan u arko
Film cusub oo documentary ah oo la yiraa Sunta Soomaaliya ayaa daba gal ku sameeyay ganacsigaas suuqa madow, waxaana si gaar ah loo eegayaa shaqo ay qabteen labo weriye oo Talyaani ah oo la dilay iyagoo baaritaan ku sameynayay sunta sida sharci darrada ah loogu shubo xeebaha Soomaaliya.
Sababaha ay burcad-badeeddu sheegaan inay maraakiibta u afduubaan dadkana u qafaashaan waxaa ka mid ah in xeebaha Soomaaliya si sharci darro kalluunkii looga mariyay, isla markaana sunta haraaga warshadaha lagu shubo Soomaaliya bad iyo berri intaba. Haddaba, arrintu intaas oo keliya kuma koobna, hase ahaatee waxay soo qaadeysaa su’aasha ku saabsan haraaga sunta ah ee lagu shubo xeebaha Soomaaliya ee aanay cidina ilaalin. Hawsha dib u habeynta suntaas oo reer galbeedka ay uga bixi lahayd boqollaal dollar waxaa hadda uga baxda dhowr dollar oo keliya si badda sharci darro loogu shubo.
Paul Morera waa agaasimaha film-kaas, waxaa uu hawshiisa ka bilaabay dabal gal uu ku sameeyay sun fara badan oo si is-daba joog ah loogu shubay xeebaha sharci la’aanta ah ee dalka Soomaaliya.
waxaa ku shubay maraakiib sharikado, xagga xeebta ayaana loo soo tuuray, cid furtayna ma jirto, qaarkood iyaga ayaa iska furmay intii mowjaduhu soo riixayeen, waxaad arki karaysaa inay ku jireen waxyaabo laga yaabo inay yihiin shucaaca radio active waayo waxaa lagu arkay maaddooyinka lagu ilaaliyo radio active-ka ee xumbada oo kale ah. Qaar kalana weli way xiran yihiin oo ilaa iyo hadda cid furtay ma jirto.
Agaasimaha waxaa kaloo la weydiiyay dareenka ay dadka deegaankaasi ka bixiyeen markii ay arkeen fuustooyinka sunta ah iyadoo hadda uu deegaankaasi yahay meel ay ku xoog badan yihiin burcad-badeeddu?
Waxaa uu yiri dhulkaasi waxaa uu hoos tagaa maamul-goboleed la yiraa Galmudug oo laga yaabo inaadan weligaa maqal oo xaruntiisu tahay koonfurta magaalada Gaalkacyo, waayo qaybta kale ee magaalada waxay hoos tagtaa maamul-goboleed kale oo lagu magacaabo Puntland kaddibna waxaa baabuur lagu soconayaa muddo 17 saacadood ah si loo gaaro meesha sunta lagu soo qubo. Nin ka mid ah odayaasha deegaankaas oo ka jawaabaya xaaladda halkaas ka jirta waxaa uu sheegay in waagii hore afar meelood oo saddex meelood ay ahaan jireen kalluumaysato haddase 20kii qofba uu mid keliya badda ka aado.
Waxaa uu sheegay in dadkii ay u kala baxeen qaar burcad-badeed noqday iyo kuwo aan waxba qaban oo meelaha iska joog-jooga. Waxaan maqalnay in deegaanka sunta lagu soo shubo ay ku dhashaan carruur cilladeysan oo naafo ah. Waxaana uu sheegay inay arrintaas aad uga careysan yihiin hase ahaatee aanay jirin si ay ku heli karaan cidda ka mas’uulka ah.
Agaasimuhu waa uu sii hadlay. Carruurta naafada ku dhalata, aniga ahaan, iyo fuustda weyn ee xeebta aan ku arkay iyo markii dambe ee Muqdisho aan tegay oo aan arkay carruur badan oo cillado ku dhashay waxay u muuqataa inay sax ka dhigayso waxa burcad-badeeddu mar walba ku yiraahdaan warfidiyeenka dibadda, aniga waxay ila tahay waa dacaayad xaqiiqo ah.
Waxaa kaloo la weydiiyay waa inay adag tahay in xaqiiqo la soo uruuriyo kaddibna caddeyn saynis ah loo helo?
Waxaa uu agaasimuhu ku jawaabay : caddeynta keliya ee aan heli karay waxay ahayd dakhtarka isbitaalka madaxda ka ahaa oo
sheegay in tobankii sano ee ugu dambeeyay ay dhasheen carruur badan oo cillado qaba iyadoo ay saddex jibbaarmeen carruurta naafada ku dhalata. Waxyna i tuseen qol ay ku jireen carruur badan oo cillado isku mid ah qaba.
Waxaa kaloo la weydiiyay waxaad la hadashay khabiir jarmal ah oo yaqaan haraaga sunta warshadaha kaas oo isagu baaritaan ka smeeyay markii ay Sunaamidu dhacday kaddib.
Waxaa uu yiri… waxaan arkay kumannaan haraaga sunta ah adduunka oo dhan 20kii sano ee ugu dambeeyay, laakiin tan oo kale ma arkin, waa haamo waaweyn oo ay ku jiraan wax aan la garaneyn oo si taxaddar ah afka looga soo xiray iyadoo la alxamay.
Agaasimaha film-ku waxaa uu sheegay in markii uu isu-geeyay wixii uu Soomaaliya ku arkay uu aaday dalka Talyaaniga sababtoo ah mid ka mid ah shabakadaha uu wax ka qoray ayaa Talyaani ah. Waxaana aan la kulmay ayuu yiri nin lagu magacaabo Pantito oo ka mid ahaan jiray koox dembiileyaal ah hase ahaatee ka baxay oo go’aansaday inuu la shaqeeyo garsoorka iyo police-ka. Waxaana uu ii sheegay in waddammada ay bartilmaameedka ka dhigtaan marka ay sunta soo qubayaan ay yihiin kuwa aan nabadgelyadu ka jirin waayo ma jirto cid baaritaan kugu sameynaysa dalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay hadal afka baarkiisa ah ayuun bay ka soo saaraan in Soomaaliya sun lagu shubo laakiin marna uma dirin cid si adag u soo baarta.
Su’aasha kale waxay ahayd. Ka warran llaaria Albi.
Waxaa uu yiri Illaaria Albi waxay ahayd weriye ka tirsan RAI oo ah telesionka qaranka Talyaaniga, sanadkii 1994tii waxay baaraysay sunta lagu shubo Soomaaliya iyo hubha dalkaas loo dhoofiyo. Kahor intii aysan u suurta gelin inay hawshaas dhammaystirto ayaana toogasho lagu dilay waddooyinka Soomaaliya.
Waxaa la weydiiyay sidee baad arrintaas film-kaada ugu caddeysay?
Wax kasta oo aad heshid, wixii aad arki karaysid, wixii aad goobjoog ka noqotid ma ahan wax saynis ahaan loo caddeeyay, dabcan fuustooyinkii halkaas ayay yaallaan, markhaatigii iyo goobjooggii halkaas ayay joogaan, carruurtii halkaas ayay joogaan, madaxa isbitaalku waxaa uu kuu sheegayaa in dhibaato ay jirto, waxaana dalka Talyaaniga aad ka helaysaa dad qiranaya inay ka shaqaynayeen sunta lagu shaubayo Soomaaliya, markaasi waxaad helaysaa waxyaabo badan oo kuu sheegaya in Soomaaliya loo isticmaalay in sun fara badan lagu shubo badda iyo berrigaba.


