|

Bali kalshaale Kulan dhex maray odayaal rer Buuhoodle ah iyo Wafti yimi Somaliland

10/march/www.buhodlepost

Bali kalshaale Kulan dhex maray Odayaal Rer Buuhoodle ah iyo wafti katimi hargaysaa
waxaa manta kulan dhex maray qaar kamida wax garadka iyo culimada Gobolka cayn iyo wafti kasoo kicitimay Hargaysa oo uu Hogaaminayo Wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha maamulka Somaliland Osmaan soofe waftigan ayaa dhaman tood kasoo jeeda dhalasho ahaan Gobolka Cayn waxay codsi u soo gudbiyaan wax garadka Gobolka iyagoo codsaday in lala xaqiijiyo in la asay baraagihii Bali kalshaale hadaba waxa saka ka anba baxay buuhoodle wafti isugu jira odayaal iyo culimo awdiin waxay tageen Bali kalshaale ay ku sugan yahiin xubnigii kasocday Somaliland waxana halkaa ku dhex maray labada garab kulan hadaba waxaa cawa saxaafada la hadlay Caaqil Saleeban Faarax Dhuuhe oo kamid aha wax garadka tagey kalshaale wuxuna caqilku shacabka rer buuhoodle u cadeeyey in la aasay 3 baraagood ee kalshaale wax danbana aan laga qodin goobta wuxuu kaloo mr dhuuhe sheegay in waftiga Somaliland ka balan qadeen in ay sida ugu dhaqsaha badan u qaadi doonan ciidamada somaliland ee halkaasi hada ku sugan waxayna isla soo qadeen labada dhinac sidii xalada deegaanka kalshaale loogu dhameyn lahaa xal nabad galyo taase waxa shuruud adag hor dhigay wax garadkii rer buuhoodle waxayna si cad u sheegeen inay ku xidhan tahay in wada hadal dhex maro labada garab in laga qaado dhamaan dhulka rer buuhoodle ciidamada maamulka somaliland dad weynhaya rer Buuhoodle aya si taxadar ku jiro usoo dhaweeyey balan qaadkaasi waxayna ka war sugi doonan talabada xigta ee maamulka duulanka ku yimi gobolka Cayn qadaan
www.buhodlepost.com
wariye najiib caydiid magan

Fikrad Ka Dhiibo