Raiisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in budcad badeeda iyo Ururka Alshabaab xidhiidh ka dheexeeyo
New York: Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed ayaa sheegay in uu xidhiidhka ka dhaxeeyo kooxda Al Shabaab iyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay kulan gaar ah oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Newsa York ee xarunta QM,shirkaas oo ay soo agaasimeen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda Kumeel gaadhka ay caqabad ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo kuwa uu ku sheegay Argigixisada Alshabaab.
Raiisal wasaare Farmaajo waxaa uu ka codsaday beesha Caalamka in Xukuumadda Soomaaliya laga taageero sidii ay u burburinay lahayd burcad badeeda iyo waliba kooxo uu ku sheegay inay yihiini Xag-jir.ka ymid wado aduun ka ah.
Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in lasoo kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdishho si meesha looga saaro kooxaha nabada ka soo horjeeda , waxaana uu beesha Caalamka ugu baaqay in hal meel looga soo horjeesto kooxahaasi.
Isaga oo ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi golaha amaanka ee Qarmada Midoobay u akhriyay qorshe howleedka dowladda iyo xiliga kala guurka, isagoo tilmamaay in Xukuumadiisu ay u hadhsantahay bilooyin kooban.
Dawlada KMGayaa baryahan dambe ku jirtay dagaal balaadhan oo ay ku qaaday ururka alshabaab oo aan la qaranayn mowqifkooda iyo qqbka ay umada ula dhaqmayaan iyagoo sheegaya in ay yihiin mujaahidiin xaqu dirir ah islamrkaana samaynaya falal lidi ku ah diinta Islaam iyo tartiibta habdhaqanka muslimiinta, culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa marar badan dhaliil u soo jeediyey kooxda alshabaab waxaanse dhag jalaq u siin kooxda alshabaab.
By Abdirahman Ahmed Aden