|

Ciidamada AMISOM oo ku wajahan gobolada ay Shabaabku haystaan

Afhayeenka ciidamda Amisom ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Amisom ay dhawaan u dhaqaaqayaan gobolada gacanta al-shabaab ku jira si looga saaro kooxdaasi, gacanta dowladana u soo giliyaan .

Afhayeenka waxu uu intaa ku daray in muhiimadooda ay hataan tahay in al-shabaab laga saaro caasimada Muqdisho si loo helo xarun laga ambaqaado weeraraada ka dhanka ah al-shabaab .

Waxa uu uga digay caruur Soomaaliyed iyo odiyaal dhawaan si xoogan loo soo askareeyay in wajihada dagaalka la keeno si ay uga hor tagaan ciidamada dowlada iyo kuwa amisom .

Warka sarkaalka Amisom ka soo yeeray ayaa soo baxaya xilli warar isa soo taraya sheegayaan in ciidamo Amisom ka tirsan gaareen xuduuda Somaliya iyo Kenya gaar ahaan dhanka Dhoobley ayna doonayaan in dagaal ku qabsadaan degamada oo haatan saan-saan colaadeed ka muuqaneyso .

Fikrad Ka Dhiibo