Ciidamada Raskamponiga oo dib ula wareegay gacanku haynta degaanka Diif
Wararka naga soo gaadhaya degaanka diif ee gobolka jobada hoose oo manta gelinkii hore ay la wareegeen ciidamada alshabaab ayaa lagu waramayaa in gelinkii dambe ay weerar rogaal celis ah ku qabsadeen ciidamada uu hogaamiyo ahmed madoobe,
Dagaalkan dhex maray labada dhican ayaa la sheegayaa inuu jiro khasaare soo kala gaadhay labada dhinac balse aan la xaqiijin inta uu leeg yahay,
Afhayeen u hadlay ciidanka axmed madoobe ayaa sheegay inay ugu yimaadeen magalada gudeheeda maydad ay alshaaab uga tageen kay ka baxayeen magalada diif,
Dagaalkan ka bilawday degaanka jubada hose gaar ahaan diif iyo dhobley ayaa lala xidhiidhinayaa dagaalada ay DKM gaadhka ah iyo ahlusuna waljameca ka wadaan degaano badan oo ka mid ah Somalia gaar ahaaan Gedo,G guduud iyo Muqdisho,
Wixii war ah ee ka soo kordha dagaalada waxaanu idiinku soo gudbin dona wararkayga dambe
Insha allah