|

DOWLADA BURUNDI OO CIIDAMO HOR LEH SOO GAARSIIYEY MAGAALADA MUQDISHU

Waxaa magalada Muqdisho soo gaarey labadii maalmood ee la soo dhaafey 1000 askeri oo ka socda dalka Burundi, kuwaas oo u jooga Soomaaliya nabad ilaalin, waxaana ay qaybka yihiin ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo ku hawlgala AMISOM.

Tirada guud ee ciidamada Burundi ayaa hadda gaareysa 4400 oo askeri, sida uu sheegay afhayeen u hadley ciidanka Burundi.

Tirada guud ee ciidamada Midowga Africa ka jooga Muqdisho ayaa hadda gaareyaa in ka badan 9000 oo askeri, waxaana ay ka kala socdaan laba dal oo keliya Uganda iyo Burundi.

Lieutenant Colonel Jastace Ciza ayaa Reuters u sheegay “….Waxaan muqdisho u daabulney 1000 askeri oo dheeraad ah labadii maalmood ee la soo dhaafey, waxaana u dirney in aan ku xoojino ciidamada naga jooga Muqdisho…..”.

Dhamaadkii bishii Feberaayo ayaa dagaal aad u kharaar dhexmaray ciidamada Burundi iyo kuwa Xarakada al-Shabaab, dagaalkaas oo ciidamada Burundi ay qirteen in looga diley asker, halka ay kuwo kalena aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin, waxaana dagaalkaas ay ku qabsadeen saldhigyo ay horey u lahaayeen Al-Shabaab.
Qormadii-Abdirizak Kaneec
buhodlepost.com
sweden

Fikrad Ka Dhiibo