EUFA:Wenger Iyo Nasri Talaabo Ayaan Ka Qaadaynaa
UEFA ayaa shaaca ka qaaday in ay talaabo ka dhan ah tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger iyo ciyaaryahan Samir Nasri ay qaadeyso ka dib markii ay hadalo cadho leh ku yidhaahdeen garsoorihii ciyaartii Barcelona Massimo Busacca kaas casaan siiyay Robin van Persie.
Tababaraha Faransiiska ayaa ka xanaaqay casaankii la siiyay Van Persie isagoo ku tilmaamay in ay kaftan aheyd.Waxana go’aankaasi uu ahaa mid dadka intiisa badani ay ku kala qeybsameen iyadoo ciyaaryahanka reer Holland uu ku dooday in aanu maqlin siidhiga madaama ay garoonka xaadir ku ahaayeen in ka badan 90 kun oo tagerayaal ah, islamarkaana laagiisu uu yimid hal second ka dib markii seedhiga la afuufay.
Wenger ayaa la hadlay garsooraha ciyaarta ka dib, iyadoo muran xanaaq ah oo xoogan uu dhexmarayay ilaa ay gudaha ay u sii galaan wadada loo maro qolka labiska, sidoo kale Samir Nasri ayaa isna lagu qabtay mid la mid ah dhacdadaasi oo uu kaga hortagay garsooraha waxana UEFA ay sheegtay inay talaabo ka qaadeyso labadoodaba.
Arsene Wenger iyo Samir Nasri ayaa ku eedeysan in ay luqad xun isticmaaleen markii ay la murmayeen garoorsaha waxana go’aan arintooda ay UEFA ka gaadhi doontaa 17 March